Warbaahinta Madaxa bannaan ee Muqdisho oo Amar lagu Siiyay inaanay ka Hadli karin Wararka Alshabaab Cidii ka Hor Timaadana Talaabo laga qaadayo
Muqdisho 04.Sep 2014 (SDN/QJ)- Taliska Nabadsugida gobolka Banaadir ayaa amar ku soo rogay saxaafada madaxa bannaan ee ka hawlgasha magaalada Muqdisho kadib markii ay isugu yeereen masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta gudaha.
Taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofi iyo ku Xigeenkiisa C/fataax Ibraahim Shaaweeye ayaa wariyaasha kula hadlay xarunta nabadsugida gobolka Banaadir iyagoo u sheegay in saxaafada aysan siideyn karin ama qori karin wararka la xiriira hawlgalada Al Shabaab ay sheegtaan inay ka fuliyaan Muqdisho.
Taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir Koofi ayaa wariyaasha ku wargeliyay inuu tallaabo ka qaadayo warbaahinta qorta ama baahisa war la xiriira qaraxyada ay sheegtaan Al Shabaab ama falalka weerarada ah ee ay Al Shabaab masuuliyadooda sheegtaan.
Taliyaha ayaa sidoo kale wariyaasha ku amray in wixii hawlgalo amni ah ee ay qaado dawlada Soomaaliya lagala xiriiri karo oo kaliya afhayeenka wasaarada amniga qaranka, isagoo taa bedelkeeda diiday in cid aan ahayn dawlada ama ka mid ah hay’adaha kale ee dawlada lagala xiriiro hawlgalada ay dawladu wado.
Looma ogolaan wariyaashii kulanka tagay inay wax su’aal ah ay weydiiyaan saraakiisha nabadsugida gobolka Banaadir ee amaradan soo rogay, wuxuuna kulanku dhamaaday iyadoo dhammaan suxufiyiintii goobta joogay ay aad ula caroodeen qaabka amar ku taagleynta ah ee ay soo rogtay hay’ada nabadsugida.
Wasiirka warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo ay wariyaasha la xiriireen ayaa la sheegay in mar dambe uu goobta soo gaaray, isagoo saxaafadii kulanka joogtay ku wargaliyey in uu arrinta isaga galayo uuna soo ogaan doono sababta keentay in ay amaradan ka soo baxaan nabadsugida. Wasiika ayaa wariyaasha ku wargeliyey inuu dib ula soo socodsiin doono wixii soo kordha.
Amaradan ayaa ah kuwii ugu horreeyay oo loo arkay in saxaafada madaxa bannaan lagu caburinayo oo ka soo baxa dawlada Soomaaliya waxaana amaradan ay la mid noqonayaan kuwo sidan oo kale kooxda Al Shabaab ugu soo rogtay saxaafada ka hawlgasha Muqdisho afar sano ka hor.
Muqdisho SDN/QJ