|

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo ku Baaqay in la sii Daayo Agaasime Xasan Cali Geesey

Muqdisho, September 3, 2014(SDN/QJ)-Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay xarriga loo geysay Agaasimaha Idaacada Dalsan ahna Guddoomiyaha Dalladda SIMHA oo maanta Arbaco Ciidamada Ammaanka ay xabsiga u dhaadhiciyeen, iyadoo NUSOJ ay ku baaqayso in xorriyadiisa loo soo celiyo.

Xarrigga Agaasimaha ayaa yimid kadib markii uu wareysi siiyay Idaacadda VOA, kaasoo uu ugaga hadlayay amaro lagu soo rogay warbaahinta maalintii Talaadada, kadib kulan ay qaateen Masuuliyiinta warbaahinta iyo masuuliyiinta Hay’ada Nabadsugidda Gobolka Banaadir.

Amaradan ayaa ahaa; In aan la sii deyn Karin wararka Al-Shabaab ama Wareysiyada tooska ah ee Alshabaab iyo in wararka la xiriira Howlgalada amniga la xiriira in dowladdu ay u idmatay Maxamed Yuusuf oo ah Afhayeenka Wasaaradda amniga, uuna ah masuulka sida rasmiga ah uga hadli kara howlgalada amniga la xiriira.

Awaamiirtan oo markii shirkaasi idlaatay jahwareer ku abuurtay, ayaa masuuliyiinta warbaahintu waxa ay kulan la qaateen Wasiirka Warfaafinta Mustafa Dhuxulow, isagoona balanqaaday in go’aanka rasmiga ah ee dowladda ee arrimahan uu warsaxaafadeed ku soo saari doono.

Kadib xarriga Agaasime Geesey, waxaa guddi ka kooban masuuliyiinta Warbaahinta oo ay ka mid ah Cabdulqair Maxamed Farah Dulyar, Agaasimaha Kalsan TV, Abdirisaq black, Agaasimaha Somali channel, Ismacil Sheik Khalifa, Agaasimaha StarFM ahna Guddoomiye ku xigeenka SIMHA, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee NUSOJ iyo Ibrahim Yare, Agaasimaha Haatuf Radio ayaa isku howlay sidii uu xorriyadiisa dib ugu heli lahaa, iyadoo qaar ka mid ah guddigan uu la kulmay Agaasimaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Koofi iyo ku xigeenkiisa, iyagoo kala hadlay xarrigga Agaase Xasan Cali Geesey iyo in tafaasiil dheeri ah laga siiyo amaradii lagu mamnuucay Wararka Shababka iyo Howlgalada Amniga iyo illaa xad inta ay gaarsiisan yihiin.

Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu dalbanayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan Agaasimaha Idaacada Dalsan, ahna Guddoomiyaha SIMHA xorriyadiisa loo soo celiyo, ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed