Kooxdii Fannaaniinta Xidigaha Geeska oo Sheegay inay Xidhiidhka u Jareen Wada Shaqayntii iyaga iyo Xukuumada u dhaxaysay Waa Maxay Sababtu?
Kooxda Xiddigaha Geeska Oo Hakiyay Wada Shaqayntii Ay La Lahaayeen Xukuumadda Kulmiye, Kuna Tilmaamay Maamul Qabyaaladi Ragaadisay,Warsaxaafadeed ka soo baxay Kooxda Xiddigaha Geeska oo nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakada Qurbejoog.com kuna sexeexan yahay Gudoomiyaha Kooxdaasi Xassan Dhuxul Laabsaalx ayaa u dhignaa sidan :
“Waxaanu dhamaan Ogaysiinaynaa Taageerayaashayada dunida dacaladeeda ku nool inaanu joojinay la shaqayntii Maamulka Siilaanyo Kadib Markii ay xukuumada Siilaanyo Isticmaashay qabyaalada cad,waxaana markhaati ka ah Fanaaniinta Lodon Laga keenay ee ay isku haybta yihiin Madaxwayne Siilaanyo,hadaba damiirkaygau wuxuu diiday inaanu u dulqaadano tacdiyada ay Xukuumadu nagula dhaqantay,waxaananu gaadhnay go’aan adeg oo aan ka soo noqosho lahayn, kaasi oo ah inaan marnaba la shaqaynin maamulka qabyaaladu ragaadisay.Waddankayga iyo dadkayga waanu jecelahay “ayaa lagu yidhi Warsaxafadeed ka.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com