|

Kiisas la Xidhiidha Cudurka Jadeecada oo lagu arkay Degmada Qorilugud ee Gobolka Buuhoodle

Qorilugud 03.Sep 2014 (SDN/QJ)- Degaanka Coodanle oo ka mid Degmada Qorilugud ee Gobolka Buuhoodle ayaa waxaa ka dalaacay Cudurka jadeecada,waxaana isla xalay lasoo gaadhsiiyay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco hal qof oo dumar ah isla markaana uur leh.

Sida ay dadka degaankaasi sheegeen waxa iyana jira dadkale oo cudrkani hayo oo degaamnada Miyiga coodanle ku xanuunsanaya,Gabadha Uurka leh ee Burco la keenay ayaa  waxaa keeenay dadkii ay ehelka ahayeen,waxaanay dadwayanaha degaankaasi Wasaarada caafimaadka iyo Dawlada dhexeba ka dalbadeen in Gurmad lala soo gaadho si cudurkaas loo xakameeyo,

Maxmed Xirsi Guuleed (Sheekeeye) oo ka mid ah odayaasha degaankaas ayaa yidhi”Magaalada Coodanle oo Xuduudada ku taalaa dhakhtar ma laha oo rug kale oo xanaano ma laha, degaankuna waa degaan Balaadhan,Dadkii waxaa ku dhacay Jadeeco,Burco waxa la keenay Gabadh uur leh oo jadeeco ku dhacday oo qofkii xanuunsada Burcaa la keenaa oo laba qof oo dumar umulayay ah oo laga soo qaaday Burco ayay ku dhinteen “Ayuu yidhi Maxamed Xirsi Guuleed.

Oday Maxamed isagoo hadalkiisi sii wata waxa uu yidhi”hadana dadka wixii kale Jadeecadii buu u wadhanyahay oo coodanle eeriyadiiisaa jadeecaa loogu Jiranyahay ,waxaanu leenahay dawlada Somaliland ha eegto oo caafimaad haw dirto dadkaa jiifa,roobkuna wali kama di,in oo dadku aad buu u tacabsanyahay waxaanu baaq u diray naa wasaarada Caafimaadka iyo dawladaba”ayuu yidhi Maxamed

Oday Maxamuud Axmed Cilmi oo dadka degaanka Qorilugud ah oo isna qaylo dhaan ka diraya ayaa yidhi”xanuunkan jadeecadu waa jiraa Degaankanina waxaan filayaa in laysku haleeyay oo somaliand aad uguma dhiirato degaankaas Coodanle”Maxamuud Axmed Cilmi

Isuduwaha wasaarada Caafiaadka Gobolada Bari Cabdi Yaasiin oo isna Khadka Telefoonaka aanu arintan wax kaga waydiinay ayaa sheegay inay Gaadiid u direen isla markaana hal qof lasoo gaadhsiiyay Burco”Anigu hada Hargaysaan Jiraa laakiin Gaadhi ayaanu u diray waxaana laysoo sheeegay in hal qof Burco la keenay,waanu jiraa Cudurka jadeecadu uu degaankaas lag soo sheegay”ayuu ku yidhi hadalkiisii isuduwuhu.

Qori Lugud SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed