|

Go’aamo Ad Adag Oo Xalay Dawlada Federal-ku Kasoo Saartay Hawlgallada ay Waddo

Muqdisho:Sep,03,2014(SDN/QJ)-Shir ay habeenkii xalay iskugu yimaadeen Golaha wasiirrada Dawladda Federalku, ayaa laga soo saaray Go’aamo la xidhiidha Hawgallo xukuumaddu wadday oo muddooyinkii dambe dalka ka socday.

go'eeShirkan oo uu guddoominayey Ra’isal wasaare Cabdiweli sheikh Axmed Golaha, ayaa laga soo saaray Go’aan tiro badan oo la xidhiidha Hawgallada dawladdu waddo ee dalka ka socda.

Xukuumadda ayaa muddo 45-cisho ah u qabatay Kooxaha Al-shabaab inay Fursad u haystaan sidii ay dawladda iskugu soo dhiibi lahaayeen una heli lahaayeen cafis.

Kulanka markii uu soo dhammaaday ka dib waxaa Saxaafadda si wada jir ah ula hadlay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg iyo Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli. waxayna faah faahin ka bixiyeen qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada.

Wasiirka Amniga Qaranka, ayaa Warbaahinta u akhriyay ilaa afar qodob oo ay xalay Xukuumadu soo saartay, wuxuuna ku kala sheegay

1- Xukuumadu waxay sii wadaysaa ayna xoojinaysaa hawlgalka lagu soo afjarayo Kooxaha argagixisada.

2- Waxay Xukuumaddu cafis u fidinaysaa kooxaha la marin habaabiyay, cafiskaasi oo ay ka faa’iideysan karaan muddo 45 cisho ah, cidii ka faa’iidaysan weydaa waxaa loo aqoonsanayaa dambiile sharciga ayaana la horgeynayaa. Xubnaha ka faa’iidaysta cafis kaas Xukuumada waxay u abuuri doontaa nolol fiican oo dib ugu dhistaan mustaqbalkooda

3.Xukuumadu waxay shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in ay barbar istaagaan ciidamadda geesiyaasha ah ee la dagaalamaya cadowga.

4.Xukuumadu waxay ugu baaqaysaa Culima’udiinka Soomaaliyeed in ay doorkoodu ka qaataan marxaladaan muhiimka ah, iyagoo iftiiminaya fahamka guracan iyo been ka sheega Diinta Islaamka

Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ka jawaabayay su’aalo ay warbaahintu weydiisay, ayaa sheegay ujeedka hawlgallada socda ee ka qayb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka in uu yahay sidii loo afjari lahaa kooxaha Nabadiidka.

“Ujeedka hawlgallada socda waa in la soo afjaro Al Shabaab, duqeyntii ka dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa lagu beegsanayay hoggaanka Al Shabaab. waxaana la gaadhsiiyay khasaare waana sii socon doonaa hawlgaladan.” ayuu yidhi Afhayeenka Xukuumada.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed