|

Al-shabaab Oo Ka Hadashay Duqaymihii Madaxdeeda Lagu Badhtilmaameedsaday

Barawe:Sep,03,2014(SDN/QJ)-Ururka Al-shabaab, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Duqaymihii Maraykanku ku qaaday Goobihii ay ku sugnaayeen Saraakiishiisa ugu sarsarraysaa Habeen Hore.

duduAfhayeen u hadlay ururka oo Magaciisa lagu sheegay Abu Maxamuud, ayaa wakaallada Wararka ee AP u sheegay in Hoggaamiyahoodu uu saarnaa mid ka mid ah Gaadiidka ay duquyeen Diyaaraduhu.

Warkan oo ay qortay wakaaladda wararka AP ayaa waxaa lagu sheegay in hogaamiyaha Al-Shabab uu ku safrayay gaadiidka la duqeeyay waxaana la duqeeyay xilli ay marayeen meel u dhaw degmada Sablaale ee G.Sh/hoose.

Abu Muxamed sargaalkan isku magacaabay waxaa uu sheegay in gaadiidka la duqeeyay oo laba gaadhi ahaa ay ku socdeen magaalada Baraawe oo hadda xarun weyn u ah Al-Shabab waxaana uu intaa ku daray in duqeynta ay ku geeriyoodeen illaa 6 xubnood oo Al-Shabab ka tirsanaa.

“Sh, Abu Zubeyr baabuurta la duqeeyay mid ka mid ah ayuu saarnaa waxaana ay u socdeen magaalada Baraawe dhamaantoodna waa ay bas beeleen” ayuu yidhi sargaalkan ay xigatay wakaaladda wararka AP ee Abu Muxamad magaciisa lagu sheegay.

Ma jiro willi war rasmi ah oo saraakiisha la yaqaan ee Al-Shabab kasoo baxay oo arrintan ku saabsan hase ahaatee dadka degaanka ayaa warbaahinta qaar u sheegay inay arkeen gaadiidkii la duqeeyay oo gabi ahaanba bur buray.

 

Sanadkii 2009 Maraykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyihii ugu horeeyay Al-Shabab Aadan Xaashi Ceyrow xilli uu ku sugnaa magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka G/gaduud ee badhtamaha Soomaaliya.

Afhayeenkan haatan hadlay ma ah mid magaciisa la yaqaano, waxana soo baxaya warar shaki abuuraya oo  la xidhiidha warka uu sheegay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed