Xildhibaan Axmed Daahir Oo Kamid ah Gudida Waxkaqabashada Xabaalaha Boqol Jire Oo Booqday Xabaalahaasi Kana Waramey Halka ay Howshaasi U Mareyso
Hargeisa-2/9/2014(SDN/QJ)- Xildhibaan Axmed Daahir Axmed oo kamid ah,Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa,islamarkaana xubin ka ah Gudida loo saarey Wax ka Qabashada Xabaalaha Boqol jire ayaa , maanta kormeer u kuurgalista Xalaada xabaalhaasi kadib markii ay daadad baabiyeen Qeybo kamid ah Xabaalaha Roobabkii habeenadii u dambeeyay ka da,ay Caasimada Hargeysa.
Xildhibaan Axmed Daahir Axmed Magan oo kamid ah Xubnaha ugu firfircoon ee katirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, oo maanta hadhwanaagnews ugu waramey Xabaalaha Boqol jire kadib markii uu halkaasi ku gaadhay kormeer.
Runtii Xabaalaha Boqol jire ee Xaafada Sheekh Muuse Ducaale, bishanba waxaanu ka shaqeyneynay sidii wax looga qaban lahaa nimcadan ilaahay ina siiyay ee baaxada leh si aanay u waxyeelaynin,dadkeenii ehelada ahaa ee ku aasnaa Xabaalaha,oo dadkii Magaalada ayaa
ku aasan Xabaalaha Boqoljire,waa ataatrtii waxaanu doonaynay sidii looga basrin lahaa biyaha imikana waxaanu usoo kaxaynay Eng Xuseen Cabdi Cali oo illaahay kheyr hasiiyee si tabaruc ah noogala shaqeynaya iskuna xilqaamay in uu si tabaruc ah noogala shaqeeyo runtii wax weyna wuu na fahamsiiyay oo wuu na tusay insha allah bi idmi laahi kariim waxaanu rajeyneynaa,in aan dib loogu noqnoqon doonin oo aan kaga maarano in biyahaasi aanay mar dambe waxyeelayn xabaalahaasi,waxaananu rajeyneynaa ka Gole Deegaan ahaan in aanu sida ugu dhakhsaha badan leh inaanu ubilowno ilaahay idamkiisa,waan arkeynaa oo roobab badanbaa da,aya oo shaley da,ay oo Magaalada waxyeeleeyay aadbaan uga cabsi qabney in xabaalihii uu wax yeelay laakiin, waxba ma yeelin alxamdu lilaahi ilaahay waa ka nabad galiyay,roobabka dambena waanu ka hortagi doonaa degdegna waanu u bilaabaynaa”Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Daahir Axmed.
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa. “Waxaanu baaq halkan uga jeedinaynaa cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa howshan Xabaalaha in badan oo kamid ah dadka wanaagsani hore ayay uga qeyb qaateen ilaahay kheyr hasiiyee,inta kale ee Samafalka jecelna waxaan leenahay waxaad baxsataa waa wax kaa sii horeeya ku darsada xabaalaha wixii aad ku tabarucaysaan ee aad sadaqo ula baxeysaan,waxaan leenahay dadweynaha Reer Hargeysa,iyo dadweynaha Reer Somalilandba walaalayaal ka qweyb qaata xabaalahaa dayactirkooda biyahaa laga qabanayo xabaalaha waxba hakala bakheylina ayaan leenahay”Ayuu yidhi Xildhibaanku.
Ma aha markii u horeysay ee Xildhibaan Axmed Daahir Axmed ka had;o arimo ku sahabsan adeegyada ArimahaBulshada Caasimada Hargeysa
Hargeisa SDN/QJ