Wasiir Xirsi Oo Golaha Wakiilada Warbixin Kasiiyey Nuxurka Xeerka Nidaamka Xukuumada Ee Madaxweynuhu U Gudbiyey Golaha Wakiilada
Hargeysa 2/9/2014 (SNN/QJ Wasiirka madaxtooyada Somaliland ayaa maanta hortagay Aqalka Golaha Wakiilada kaasi oo golaha xog ka siiyey Nuxurka Xeerka Nidaamka Xukuumada ee Madaxweynuhu u Gudbiyey Golaha Wakiilada
xeerkani oo golaha horyaala ayaa waxaa uu wasiirku ka bixiyey tafaasiil faahfaahsan waxaana uu uga xog waramay sida tan hoos ku qoran.
Xeerkani Wuxuu Iftiiminayaa, Maamul Wanaaga, Isu Xidhnaanta Iyo Wada Shaqaynta Ka Dhaxaysa Hay’adaha Xukuumada ee Kala Duwan”
Anigoo ixtiraamaya Wada-shaqaynta ka dhaxaysa Hay’ad Xukuumada iyo baarlamaanka isla markaana gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee tilmaamaya in wixii warbixin iyo xog-waraysi ah xubnaha wasiiradu siiyaan marka golahani uga baahdo
Hadaba, Madaxweunaha JSL isagoo Fulinaya Xilkiisa Dastuuriga ah Wuxuu Xooga Saaray Horumarinta Dalka iyo Hagaajinta Nidaamka Dawladnimo
Baahida Keentay Xeerkan:
in la hubiyo habsami u socodka maamul ama laga hortago kala daadsanaanta ku timaada shaqada iyo haybada dawladnimada iyo is-dul-fuulka xilka iyo waajibaadka isla markaana la xaqiijiyo in xilalka laysu raaciyey hab la maamuli karo oo ku dhisan xajmiga-shaqo, anigoo arintaa ka shidaal-qaadanayna waxaanu diyaarinay xeerka nidaamka xukuumadda oo xadidaya xilka, waajibaadka, awooda iyo shaqada hay’adaha dhexe ee fulinta isla m arkaana maamulaya laamaha dhexe ee xukuumada iyo Isku xidhkooda.
Hadii aan si kooban u sheego waxaa haykalka guud ee xukuumadu u qaybsamaa:
1- Hogaanka guud ee qaabaynta iyo jaangooynta siyaasada ” Policy and Dicisiion Makers”
2- Maamulka, maaraynta xafiisyada iyo shaqada xukuumada “Administaration of Public Service”
3- Adeeg bixinta bulshada “Direct Public Service Providers”
Ujeedada xeerkani waa:
– Dadjinta sharci saldhig u ah aasaasidda hay’addaha xukuumadda dhexe
– Xaddidaada xilka, waajibaadka, awoodaha iyo shaqada hay’addaha xukuumada dhexe
– Kala xadaynta hawlaha iyo xi8lalka laamaha xukuumaddda dhexe iyo siku xidhkooda
– In la gaadho tayayn dhamaystiran oo la xidhiidha guud ahaan waxbqadka xukuumada
– In la xaqiijiyo habsami u socodka adeegyada bulshada
– In si cad loo iftiimiyo, lana dhaqan geliyo, xadka u dhexeeya xialalka maamul iyo siyasadeed ee haga, gaadhsiiyana adeegyadda aasaasiga ah qaybaheeda kala duwan ee bulshada
Mabaadi’da guud ee ku salaysanyahay xeerkani:
1- Sida dastuurka tilmaamay in shareecadda islaamku sal u tahay xeerarka Somaliland
2- In Somaliland tahay dal dimquraadi ah
3- In ka sakow Illahay dadku leeyahay dawladnimada, dhammaan hay’addaha xukuudduna iyaga oo dadka ka wakiil ah fulinayaan awoodda xukuumadda si xeerarka waafaqsan
4- Ixtiraamka xuquuqda dadka iyo sharafta ruux walba
5- In shacabku leeyahay awoodda
6- In dawladaha hoose leeyihiin maamul hoosaad ku xadaysan deegankooda
7- In qaab-dhismeedka maamul ee dalku u qaybsamo , gobolo, degmooyin, tuulooyin, qaab-dhismeedka xukuumadduna u qaybsamo wasaaraddo, hay’addo, wakaalado, shirkado xukuumadu leedahay ama wax ku leedahay
8- Xaqa shacabka iyo ururad metelaa u leeyihiin ka qayb qaadashada qaabaynta siyaasadda, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada iyada oo xukuumaddu hirgelinayso xeerar iyio hanaan ay aga talo bixin karaan go’aan qaadashada saamaynta noloshooda iyo aayahooda
9- In awooddaha xeerku si cad u siiyey mid ka mid waaxaha xukuumadda la wareejin karin waax kale hadaan xeer jidayn
10- Dhismaha xukuumaddu wuxuu u jiraa dhawridda nafta, maalka iyo sharafta dadka iyada oo loogu adeegayo si siman oo aan kala doorasho lahayn
Ugu dambayn,
– Xeerka nidaamka xukuumada, waxaa loo dejiyey si loo meel mariyo himilooyinka qaranka, ummad weynta Somaliland u mahadiso dawladnimadeeda.
Xeerkani wuxuu iftiiminayaa, maamul wanaaga, isu xidhnaanta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha xukuumada ee kala duwan
– Xeerkani wuxuu soo bandhigayaa ugu yaraan Saddex qaybood oo maamulka xukuumadu ka kooban tahay isla markaana kala sareeya, oo mid walba leedahay Mabaadi iyo Xilal u gaar ah oo dhamaystiraya maamul wanaaga isla markaana adkaynaya tiirarka ay ku-taagan tahay qaranamidda Somaliland
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Hargeisa SDN/QJ