|

Madaxweynaha Kenya Oo Dardar Geliyey Tallaabooyinka Lagula Dagaallamayo Musuqa Dalkiisa Ragaadiyey

Nairobi:Sep,02,2014(SDN/QJ)-Xukuumada waddanka Kenya oo lagu tilmaamo dawladaha ugu musuqa badan caalamka, ayaa ku dhawaaqday qorshe lagu diiwaangelinayo Shaqaalaha dawladda, iyadoo ujeeddadu tahay sidii meesha looga saari lahaa shaqaale Been abuur ku qaato lacago mushahar ah.

uhuruMadaxda Sare ee Dalkaasi ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday sidii meesha looga saari lahaa kumanaan shaqaale oo caagla ayaal ah ama dawladda ka qaata mushahaarooyin kala duwan oo aanay xaq u lahayn.

Dawladdu waxa ay ka shakisan tahay in kumanaan shaqaale ah ay si musuqmaasuq ah ku qaataan mushahar iyaga oo ka tagay shaqooyinkii dawladda.

Arrintaas waxaa dawladda kaga luntay Lacag ah malaayiin doolar, waana ta keenay in dagaal qaawan lagu qaado lacagahan been abuurka ah ee dawladda kaga luma isla-shaqsiyaad kooban oo xafiisyo kala duwan kaga diiwaangashan magacyo Been Abuur ah.

Dhamaan shaqaalaha dawladda waxaa lagu amray in ay isku diiwaan galiyaan habkaasi casriga ah ee lagu xaqiijinayo.

 

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa noqon doona qofka ugu horeeya ee is diiwangaliya, si uu Bulshada ugu dhiirrigeliyo in lala dagaallamo musuqa dalkiisa ragaadiyey.

Dawladdu waxa ay sheegtay in qof kii aan is diiwaangalinin laga saari doono liiska lacag bixinta ee dawladda, maadaama loo aqoonsan doono inuu wax qarinayo.

Madaxweynaha Kenya ayaa xilligii uu ololaha doorashada ku jirey waxa uu ku ballan qaaday inuu la daaalami doono musuqa dalkiisa, waxana tallaabadani ay kow ka tahay iskudayada la doonayo in musuqa lagu yareeyo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed