Maraykanka Oo Xalay Diyaaradahiisu Duqeeyeen Goobo Ku Yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Al-shabaab Gacanta Ku Hayso
Barawe:Sep,02,2014(SDN/QJ)-Wararka saaka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ee Somalia, ayaa sheegaya in diyaarado uu maraykanku leeyahay oo nooca aan duuliyaha wadan ahi, ay duqaymo ka geysteen Goobo u dhexeeya Deegaanada Dhaytubaako iyo Sablaale.
Duqeynta ayaa dhacday xalay waxaana deeganada la duqeeyay la aaminsan yahay inay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, badhtilmaameedka duqeyntana iyaga ay ahaayeen.
Sarkaal ka tirsan Mareykanka oo lagu magacaabo John Kirby, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ay fuliyeen duqeyntaasi, inkastoo uu sheegay inay faah-faahinta dib kasoo bixin doonaan.
“Dib ayaan kasoo gudbin doonaa macluumaadka la xidhiidha duqeynta ka dhacday Gobalka Shabeelaha Hoose iyada oo faah-faahsan”Ayuu yidhi Sarkaalkaasi ka tirsan Dowladda Mareykanka.
Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii ayaa VOA u sheegay in Duqeynta lala eegtay Hogaamiyaha Shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab oo deeganada Dhaaytubaako iyo Sablaale inta udhaxeysa ku shirayay.
Ilaa hada waxaan si rasmi ah loo hayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi, iyo hadii ay jiraan waxyeelo soo gaartay saraakiisha sar sare ee Shabaab.
Gobalka Shabeelaha hoose, ayaa waxaa ka socda dagaalo ay wadaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxaana ciidamada huwanta ay u tafaxeedanayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayen Magaalada muhiimka ah ee Baraawe.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com