Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Somalida Ethiopia Oo La Sheegay Inuu Warqaddii Iscasilaadda Qoray
Jig-jiga:Sep,02,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar oo muddooyinkanba Muran hadheeyey Hannaankiisa shaqo, ayaa la sheegayaa inuu ugu dambayntii diyaariyey warqadii uu xilka iskaga casili lahaa.
Ilaa iyo Haatan si rasmi ah looma Caddaynin Inuu madaxweynuhu is casilay, balse waxa la baahinayaa in cadaadiskii madaxweynuhu iskugu biyo shubtay inuu isagu gacantiisa isku casilo halka kalsoonida looga qaadi lahaa, iyadoo mucaaradkiisu haatan awood ballaaadhan yeesheen.
Xarunta Addis ababa ee Dalka looga arrimiyo, ayaa looga yeedhay xubnaha sarsare ee madaxweynaha ay isku Hayaan Hoggaanka, iyagoo isla shalayba u dhoofay Halkaas, waxana la filayaa inuu madaxweynaha laftiisu u baqoolo dhinaca Addis ababa.
Dawladda dhexe ee Itoobiya ayaa kalsooni badan ku qabtay Cabdi Iley waxaana la sheegay inuu kalsoonidaa kaga Kasbaday Dawladda Addis Ababa sidii baaxadda lahayd ee uu Tolkii seefta u mariyey taas oo ay wararku sheegayaan inaanay Dawladda dhexe ka helin Madaxweyne-yaashii Kilillka soo maray oo dhan wixii ay ka heshay Mr Ilay oo ahaa inuu cagta mariyey kooxihii mucaaradka ku ahaa Itoobiya ee ONLLF kuwaas oo uu si weyn u kala daadiyey isaga oo sida xagga sare ku xusan qaarkood dhagta dhiiga u daray halka uu qaarkalena siyaasad ahaan ku soo xero galiyey taas oo maamulka Addis Ababa ka dabcisay xumadii cabsida ku haysay ee kooxaha ONLLF-tu ku hayeen.
Cabdi Maxamuud Cumar ayey wararku sheegayaan markii ay meel sare gaadhay arinta khilaafaadka ee u dhexeysay isaga iyo gudaga maamulkiisa oo la sheegay inay dhaq-dhaqaajisay Dawladda dhexe inuu is hortaagay shirkii Golaha dhexe ee Xisbigiisu qabsan lahaa kaas oo uu ka baqay inay codka kalsoonida ahaa ee ay hore u siiyeen kala-laabtaan waxaanay wararku tibaaxayaan inay arintaasi tahay sababta ay Dawladda dhexe u soo faro galisay khilaafka maamulka Mr Iley.
SDN/QJ