Wasiirkii Waxbarashada u Qaabilsanaa Maamulka Puntland Oo Maraykanka Loogu Xidhay Arrimo Yaab leh
Washington:Sep,02,2014(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Dalka Maraykanka ayaa sheegaya in halkaas lagu xidhay Wasiirkii dhinaca Waxbarashada u qaabilsanaa Maamulka Puntland oo muddo halkaas arrimo shaqo u joogay.
Sababaha loo xidhay Wasiirka, ayaan wali si rasmi ah loo Caddaynin, isla-markaana aan maamulka uu ka tirsan yahay kasoo saarin war rasmi ah, waxase la sheegayaa in shaki dartii loo xidhay wasiirka.
Cali Xaaji Warsame ayaa la sheegay in uu ku jiray liiska dadka laga shakisan yahay (Suspected) maadama uu ka mid ahaa ragii hogaaminaayay wadaadadii Itixaad ee dagaalka lagaga adkaaday sanadadii sagaashamadkii, intaasi wixii ka dambeeyay cali Xaaji Warsame waxa la sheegay in aanu dalka dibeda uga bixi jirin marka laga reebo wadama carabta iyo afrika oo uu tegi jiray.
Cali Xaaji Warsame waxa la sheegay in uu yahay maskaxdii ka dambaysay soo xero gelintii Maxamed Siciid Atom oo mudo dheer ka dagaalamayay buuraha GalGala, hasa yeeshee dhawaan isku dhiibay Dawlada Somaliya.
waxa kale oo la sheegaa Cali Xaaji Warsame uu hada inta badan yahay ninka ugu awooda badan leh Maamulka Puntland, waana shaqsi la sheegay in uu inta badan ku mashquulo joogitaanka Madaxtooyada,
lama garanaayo su`aalaha la weydiin doono maadama uu hada gacanta ugu jiro waaxda sirdoonka ee Maraykanka.
Cali Xaaji waa mid kamid ah wasiirrada ugu furfuran masuuliyiinta Puntland, waxana uu aqoon durugsan uleeyahay dhinaca Diinta Islaamka oo loo malaynayo in sababteeda loo xidhay, haatan, waxase wararku sheegayaan in baadhitaano kadib xorriyadiisa loo celin doono.
SDN/QJ