War-Saxaafadeed: Xarunta Xuquuqal Insaanku Waxay Canbaaraynaysaa Muwaadinka Reer Somaliland Ee Loo Gacan Geliyay Jibuuti
Hargeisa (SDN/QJ)1/9/2014 Dawladda Somaliland waxay u gancan gelisay muwaadin u dhashay Somaliland dalka Jibuuti. Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim waxa lagu xidhay Hargeysa 11 kii June sanadkan. Markii uu maalmo xidhnaa kadib waxa loo gudbiyay Jibuuti.
Dastuurka Somaliland wuxuu mamnuucayaa in muwaadin u dhashay Somaliland loo gudbiyo dal kale sida ku cad qodobka 35(2) ee dastuurka. Waa arin aad looga welwelo in muwaadin loo gacan geliyo dal kale. Ma jiro wax sharci ah cayn kasta oo uu yahay oo lagu dabakhay dhiibista Cabadilaahi. Dawladda Somaliland waxa waajib ku saaran yahay inay ilaaliso muwaadiniinteeda ayna ixtiraamto dastuurka.
Somaliland waa inay dib ugu soo celisa Cabdilaahi dalkiisa. Dawladda Somaliland may raacin habka ay tahay in la isku waydaarsado eedaysanayaasha. Ma jiro wax mucaahado caalami
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay dib ugu soo celiso Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Somaliland sida ugu dhaqsaha badan
· Dawladda Jibuuti waa inay u ogolaato Cabdilaahi inay booqdaan qoyskiisa iyo hay’adaha xuquuqal insaanku, waana inay xaqiijiysaa badqabka iyo nabadgelyadiisaa
· Xarunta Xuquuqa Insaanku waxay ka codsanaysaa ururada caalamiga ah ee xuquuqal insaanka inay u doodaan Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim
Ms. Mulaho Mohamed Ali
Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka
Hargeisa Somaliland