Dawlada Jarmalkoo Oo Hub Siinaya Xoogaga Kurdishka Ee Dalka Ciraaq
Hargeisa 1/9/2014 (SDN/QJ) Dowladda Jarmalka ayaa hub isugu jira qoryaha fud-fudud iyo lidka diyaaradaha u diraysa xooggaga kurdishka ee dalka Ciraaq, ee dagaalka kula jira dagaalyahanada Islaamiga ah waqooyiga dalkaasi.
Wasiirka Gaashaandhigga Jarmalka, Ursula von der Leyen, ayaa sheegtay in qalabkaasi milateri uu ku filnaan doono afar kun oo askari meesha lagu gaadho dabayaaqada bishani September.
Dhanka kale, xooggag ka kala tirsan ciidamada militariga dalkaasi Ciraaq, maleeshiyaadka shiicada ah iyo dagaalyahanada Kurdishka ayaa gudaha u galay magaalada go’doonsanayd ee Ameril, halkaasi oo dagaalyahanada kooxda Dowladda Islaamiga ah ay muddo laba bilood ah ku hareeraysnaayeen dadka shiicada ah ee laga tirada badan yahay ee Turkimen-ka.
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo
Hargeisa SDN/QJ