|

Barawe:Ciidamada Huwanta Oo Soo Dhawaanshahooda Saaka La Dareemay iyo Shacabka Oo Firka-nacsan

Barawe:Sep,01,2014(SDN/QJ)-Deegaanada ku Xeeran Magaalada Barawe ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa saaka laga dareemaya inuu kusoo fool leeyahay Guluf xooggan oo ay Hoggaaminayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia oo isku dhinac ahi.

huwBaraawe waa Degmada labaad ee ay Shabaabku ka jooggaan Gobolka Shabeellaha Hoose, marka laga soo taggo Degmada Sablaale, waxayna Degmooyinkaasi yihiin kuwo ay weli ku xoogan yihiin.

Ciidanka Dowladda Somaliya oo gacan ka helaaya Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay Axadii la wareegeen gacan ku haynta Degmada Kuntuwaarey, waxayna baqdin hor leh ku keentay bulshada ku nool Baraawe.

Inta badan bulshada ku nool Degmada Baraawe, ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay boorsooyinkooda xidhxidhanayaan, waxayna ka cararayaan waxyeelo ka soo gaadha dagaal ka dhaca Degmadaasi.

Xoogaga Shabaab, ayaa waxay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameynayaan qaybaha kala duwan ee Degmadaasi, si ay u difaacdaan gacan ku haynteeda, iyadoona la arkaayo gaadiidka Shabaabka oo soo aadaaya jiho kasta, oo ay tuhmayaan in laga soo weerari doono.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegay in Degmada Kuntuwaarey ay 20km oo kaliya u jirto Degmadaasi Baraawe, isla-markaana ay ku sii jeedaan.

 

Gudoomiyaha oo u waramay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaan sheegin xilliga saxda ah ee ay la wareegayaan Baraawe, ha yeeshee dhaq dhaqaaqyo ciidan, ayaa ka kala soconaayo Buulo Mareer iyo Kuntuwaarey, waxaana loogu wajahan yahay Baraawe.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed