|

Haween Rag La’aani Hayso Oo Baafinaya Ciddii Guursan Lahayd

Noiva Do Cordeiro:Sep,01,2014(SDN/QJ)-Haweenka ku Dhaqan tuulo yar oo ku taalla Dalka Brazil, ayaa soo dirsaday Qaylo-dhaan la xidhiidha Rag La’aan soo waajahday.

baafTuulada Haweenkan rag la’aantu heshay ku nool yihiin ayaa magaceeda lagu sheegay Noiva Do Cordeiro, waxana ay ku taallaa dhinaca Koonfur-bari ee Dalkaasi Brazil, waxana la sheegayaa in Kaliya Tuulada ay ku nool yihiin Haween Gashaantimo ah oo aanay wax rag ahi ku noolayn.

Sida lagu xusay jariirada Daily Mail da’da haweenka tuuladaan ku nool ayaa u dhaxeysa 20 ilaa 35-sano, laakiin waxey sharad uga dhigeen ragga guursanaya iney u hogaansamaan sharciyadooda.

Tirada haweenka dalbaday ragga yaa lagu sheegay 600 oo ruux , waxaa jira wiilal la dhashay qaar kamida haweenkan laakiin waxey shaqo u doonteen meel ka fog tuulada waana adagtahay iney kusoo laabtaan, marka laga reebo xiliyada fasaxa.

Sidoo kale dhaqanka tuuladaan ayaa ah in haweenku hogaamiyaan talada qoyska iyo sidoo kale nolol maalmeedka qoyska.

Wali wax jawaab ah  haweenkani kama ay helin Ragga dhigooda ah eek u nool dalka Brazil, waxase dunidu si weyn u hadal haysaa tiradan xadka ka baxsan ee aan haysanin rag guursada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed