|

WASIIRKA DUULISTA IYO HAWDU MA MUDNA IN LA XAGXAGTO WUXUU MUDAN YAHEY IN LALA SHAQEEYO!!!.

Marka salaanta islaamka ayaan salaamaya, websiteyada sii daaya fariintan iyo akhristayaasha dhamaanba.

 

Waa yaab iyo yaabka yaabkiis umad dhan oo leh dawlad la soo doortey iyo distoor shaqeynaya oo hadana arimheeda oo dhan ay gacanta ku hayaan dad suuqa jooga oo sheegta boqol magac oo ay ugu horeeyaan kuwa gacan ku rimiska ah ee boqorada, suldaanada, caaqilada, dilaaliinta , iyo qaar kale oo badan.

Mararka qaarkood waxaad is odhaneysa hadiiba dalkiiba gacanta ugu jiro dadkaa xilalka isu magacaabey maxaa doorashooyinka iyo damdamta loo galaaya, maxaa baralamaanka iyo wasiirada loo dooranaya.  Waar ma waxaad aragtey laba gaadhi oo is duqeeyayna ku dhahoo umad dhan oo arimaheedii hab qabiil iyo koofiyad baclanimo ku dhameysaneysa oo sharciigii dalkana daaqada ka tuureytey!!!!.

 

Dhulkii Qaranka iyo dadka ka dhexeeyay waxaa sheeganaya nin cumaamad beena sita, oo hadii la yidhaa dhulkan umadaa loogu  daneynayaana ka hor imanaya oo dadkii degaanka ee reer baadiyaha ahaa odhanaya dhulkeenii baa la inaga qaadaya iyo hebel baa loo xidhaya!!!!!.

 

Wasiirka Duulistu waxa uu yahey wasiirada fara ku tiriska ah ee waxqabadka muujiyey marka loo eego wasiirada Dawlada Ahmed Silaanyo. Wasiirkan oo xukuma wasaarad xasaasi ah oo shaqeedu tahey kala hagida iyo amaan sugida rakaabka diyaaradaha la socdo, ayaa waxa indhihii caafimad qabaa ay arkayaan nidaamka iyo wanaaga uu ku xaqiijiyey Wasaaradiisi.

 

Maalin maalaheygii fasaxa ka mid ahaa oo aan galey qolka ay ku rakiban yihiin Cameradaha lagala socdo dhaqdhaqaaqa madaarka Hargeisa ayaa waxaan ku arkey arin aan u qaadan waayey oo aanan sinaba u fileynin iney ka jirto Madaaarka Hargeisa iyo  Somaliland-ba. Arintaasi oo aheyd ugu yaraan 10(Tobon qof) oo isha ku hayey  Screens (shaashado) waaweyen oo  60” ah kuna dhaygagsanaa dhamaan dhaqdhaqaaqa ka socda madaarka, arintaasi oo kaa qancineysa sida amaanka madaarku under control -ka  u yahey         , keliya ma aha waxqabka wasaaradu intaas oo qudha ee waxaad arkeysa kala danbeynta nidaamka iyo maamulka ka jira Madaarka iyo Wasaaradaba.

 

Ugu daneyn Wasiirka iyo Wasaaradabu xaq bey u leeyihiin iney madaarka Hargeisa ku wareejiyan xayndaab kala sooca madaarka iyo dhulka kale loo sameeyo, kuwa ku qeylinaya ee dhulka sheeganaya ee weliba Koofiyad baclayaashi ahna waxaan leehayey, yaad idin dirtey, ma dawlaad baa tihiin, dhulka ma idinkaa leh sow Ilaahey mal aha, in Madaar laga dhigo dhulka iyo inuu noqdo meel u xidhan qof aan waxba ku qabaneynin keeba dalka,dadka iyo idinkaba idiin wanaaagsan?

 

Waxaa iyana jirey qaar Barlamaanka ku jirey oo lahaa Wasiirka Duulistu cashuur buu qaadey ee cod kalsoonida ah ha lagala noqdo, xagee lagu arkey dad dalkoodii leh yaan cashuur la bixin.. Waa Xamiido waaney rabtaa qalqaakeedna ma hayso…Dadka dalka ku nool waa in cashuur laga qaado si loogu daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee dhamaan Somaliland ka aradan tahey

 

Wasiirka waxaanu leenahay wax kasta oo aad madaarada dalka iyo wasaarada ku soo kordhineyso ku soo kordhi cidii sharciga ka hor timaada RRU.dan la sheego waa in lagu fasaxo si dalka kala daneyb iyo sharci ugu jiro, hadii kale dadka beenta ha laga daayo oo reero ha la noqdo.

 

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

Oslo Norway

Comments are closed