|

“Ciidanka Qalabka sida ee Somaliland, oo amarkayaga ku socda waxay si guul leh u sugeen nabadgelyada magaalo xuduudeedka” Madaxweyne Siilaanyo

Hargaysa 30.Aug 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu ka hadlay qabsashadii ciimada Somaliland ee SAAX-DHEER, isaga oo xusay inay ciidamada qaranku si nabadgelyo ah u sugeen magaalada xuduudeeda.

siilaanyo-2Madaxeyne Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu xalay ku baahiyay bartiisa twitter-ka,

Md. Axmed Siilaanyo wuxuu ku sheegay inay dawladdu adeegyo gaadhsiin karto deegaanadaas, ka dib markii ammaanka la sugay. “Ciidanka Qalabka sida ee Somaliland, oo amarkayaga ku socda waxay si guul leh u sugeen nabadgelyada magaalo xuduudeedka. Dawladdu hadda adeega ayay gaadhsiin kartaa.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed