Guddoomiyaha xisbiga UCID oo shaaciyay in dawlada Itoobiya ay ka baxday heshiiskii amniga ee ka dhexeeyay labada dal
Hageysa Aug 30,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horeysay ka dhawaajiyay sida ay dawlada Somaliland uga xuntahay in dawlada Itoobiya ay ka baxday heshiiskii dhinaca amniga ee u dhexeeyay labada dal.
Hadalka Guddoomiyaha UCID ayaa imanaya ka dib kolkii dawlada Itoobiya ay tiraba dhawr jeer ka ogolaatay in kooxda Khaatumo ay Somaliland ka soo weerarto dhanka Itoobiya.
Sidoo kale wasiirada arrimaha Dibedda iyo Guddaha ee Somaliland ayaa booqanaya dalka Itoobiya si ay dalkaa madaxdiisa ugala xaajoodaan collada kooxda Khaatumo ee uga imaneysa dhinacooda.
Guddoomiye Faysal ayaa wareysi uu siiyay iddaacada codka Mareykanka uga hadlay xiriirka dawladaha Itoobiya iyo Somaliland oo uu sheegay in uu ku saleysan yahay sugida Amniga xuduudaha labada dal.
Si kastaba ha ahaatee kooxda Khaatumo ayaa saldhigyo ay Soamaliland uaga soo duusho ka sameysatay guddaha dalka Itoobiya, waxaana ay arinkani caqabad ku keentay heshiiskii hore uga dhexeeyay labada dal.
SDN/QJ-Hargeysa