|

Nin Sitay 23-Baasaboor Oo Lagu Qabtay Gudaha Dalka Kenya

Nairobi:Aug,28,2014(SDN/QJ)-Warbaahinta Dalka Kenya oo soo xiganaysay Sarkaakiisha Dambi-baadhista Dalkaas, ayaa daabacay warar sheegaya in ciidanka ammaanku gacantu ku dhigay nin sitay ugu yaraan 23-baasaboor oo kala duwan, kaas oo u dhashay dalka Kenya.

gyrNinkan ayaa ciidamada Dalka Kenya waxa ay qabteen shalay oo Arbaco ah, waxaana laga qabtay deegaanka Kitui oo ka tirsan dalka Kenya, waxaa hada ku socda baadhitaan la xidhiidha shakiga ciidamada ay ka qaadeen ee ah inuu xidhiidh la leeyahay Al Shabaab.

Karimjee Ahmed Ali, ayaa lagu magacaabaa ninkan ay xidheen Booliiska, waxaana uu sheegay in Passport uu uwaday rag ganacsato ah oo u dhashay dalka Saudi Arabia, laakiin Booliiska ayaa waxa ay sheegayaan in arintaasi tuhun weyn ay ka qabaan.

“Ninkan waxaynu xidhnay xili uu ku sugnaa deegaanka Kitui waxaana uga cabsi qabnaa inuu Al-Shabaab xidhiidh la leeyahay sidaa waxaa laga soo xiganayaa|” Thomas oo katirsan saraakiisha deegaanka Mutomo.

Saraakal kale oo katirsan ciidamada Kenya oo la hadlay Warbaahinta The Stander ayaa usheegay in ninkan la’aamisanyahay inuu yahay sarkaal sare oo Al Shabaab ka tirsan balse baadhitaanku uu kusocdo.

 

23 Passport ee ninkan lagu qabtay ayaa waxaa lagu sheegay inay yihiin aqoonsiyada dalka Kenya ee cadeynaya qofka inuu yahay muwaadin Kenyatti ah.

SDN/Q

timo@somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed