|

Ciidamada Milatariga Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay In Ka Badan 35 Xildhibaano Barlamaanka Somaliya Ka Tirsan Iyo Cali Maxamed Geedi

saax

Hargeysa 28/8/2014 (SDN/QJ)- Ciidanka Qaranka Somaliland Ayaa Gacanta Ku Dhigay In Ka Baddan 40 Qof Oo Isku Jirra Xildhibaano Barlamaanka Somaliya Ka Tirsan, Kuwii Khaatumo Iyo Qurbajoog Faro Badan Oo Shallay Soo Gaadhay Saax-Dheer.
Halka ay sidoo kalana gacanta Ku Dhigeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi. Mas’uliyiintan ayaa Magaalada Saaxdheer u joogay in ay ka qeyb galaan Caleemasaarka Cali Khaliif Galeyr oo maanta la filayay in ay qabsoonto.

 

Wararka ayaa sheegaya in Cali Maxamed Geedi iyo Ilaa 4o Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya iyo kuwo cusub oo khaatumo samaysatay Deegaan ahaana ka soo jeeda Puntland ayaa loo soo ka xeeyay Dhinaca Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

 

Mid ka mid ah Dadka Magaalada Saaxdheer ku sugan ayaa u sheegay in uu Arkay Cali Maxamed Geedi iyo Xildhibaano tiro badan oo ay Ciidamada Soomaaliland gacanta ku hayaang.

 

Waxaa sidoo kale la sheegay in Magaalada Dadka joogay ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Cismaaciil Hure Buubaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in ay baxsadeen.

 

Xaalada Magaalada Saaxdheer ayaa Degan waxaana hada ku sugan Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Waabarigii Saaka Dagaal Culus Ku Qaaday Saax-Dheer Oo Lagu Caleemo Sarayey Saaka Cali Khaliif Galaydh,.

Dhinaca kale Cali Kahliif Galaydh Ayaa U Baxsay Dhanka Itoobiya, Balse Ciidanka Somaliland Oo Amar Ka Haysta Dhanka Itoobiya Ayaa Waxa La Sheegay In Laysla Marayo Meel Soddon Killomitir Gudaha Itoobiya xadka Somaliland ka xigta Oo Haatan Dagaal Culusi Ka Socdo.

Comments are closed