Maxkamad Kenya Ku Taalla Oo Amar Kasoo Saartay Carruur Somaliyeed Oo Waalidkood Somalia Loo Mustaafuriyey
Nairobi:Aug,28,2014(SDN/QJ)-Isaak Lenola oo ah Garsooraha Maxkamadda Sare ee dalka Kenya, ayaa Hakiyey qorshe Dawladdu doonaysay inay ku Musaafuriso Carruur somaliyeed oo ay waalidkood ku kala lumen raafkii dhawaan loo geystay Somalidii Magaalada Nairobi ku Noolayd.
Maxkamadda Sare ayaa sheegtay inay go’aankaasi qaateen, kadib, markii ay codsi ka heleen Urur Maxali oo ka shaqeysa Arrimaha Qaxooti, oo u doodayo carruurta Soomaalida ee ay Waalidkooda ku kala lumen hawlgalkii raafka ee dhowr bilood ka hor ka dhacay magaalladda Nairobi.
Amarka Maxkamadda ayaa uga digay Dowladda Kenya inaanay carruurtaasi marnaba ka masaafurin karin magaalladda Nairobi, isla markaana aanay noloshooda faragelin karin tan iyo inta Kiiskooda la dhegeysanayo, si loogu helo xal kama dambays ah.
Ururka u dooda Qaxootiga ayaa sheegay inay carruurtaasi haatan la nool yihiin Qaraabadda iyo Saaxiibadda, kuwaasi oo daryeelkooda la wareegay markii carruurtaasi waalidkooda lagu qabtay Hawlgalkii Raafka ee Usalama Watch, kadibna loo soo masaafuriyey Somalia.
Dhinaca kale, Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa sheegtay in Kiiska Carruurtaasi mar kale la dhegeysan doono bisha soo socota ee September 12-da.
Wali si rasmi ah looma sheegin tirada rasmiga ah ee carruurtan iyo Goobaha ay sida rasmiga ugu nool yihiin, waxase kaliya la sheegay in carruurtani la nool yihiin dad ay qaraabo yihiin ama ay waalidkood saaxiib ahaan jireen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com