Kornayl Barre Hiiraale Oo Aqbalay Inuu Si Shuruud La’aan ah Ku Hor-fadhiisto Axme Madobe
Kismayo:Aug,28,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Somalia Kornayl Barre Aadan Shire Hiiraale oo maalamahan kulamo la lahaa Xubno ka tirsan Golaha wasiirrada Somalia iyo Urur-goboleedka Egad, ayaa sheegay inuu aqbalay inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Maamulka Juba oo ay si weyn iskaga soo horjeedeen.
Labada dhinac waxay ku kulmeen Deegaanka Goobweyn oo 11km u jirta Magaalada Kismaayo, waana halka uu iminka degan yahay Korneyl Barre Aadan Shire, tan iyo markii sanadkii hore laga soo saaray Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Wasiiradu waxay u soo bandhigeen Barre Hiiraale in uu wada hadalo la furo Maamulka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), si beelaha Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo uga soo wada muuqdaan Maamulka Kismaayo ka dhisan.
Shirweynahan, ayaa waxaa lagu wadaa in 21-ka bisha September uu ka dhaco Magaalada Kismaayo, isla-markaana ay ka soo wada qaybgalaan beelaha degga Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Barre Hiiraale oo saaka la hadlay laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa wuxuu sheegay in si sharuud la’aan ah uu ku aqbalay ka qaybgalka shirweynaha ka dhacaaya Magaalada Kismaayo.
Waxa uu kaloo sheegay in uu tagi doono Magaalada Kismaayo, ayna hore u sii raaci doonaan Xoogaga u daacada ah ee ku sugan Deegaanka Goobweyn, Dowladdana ay ka dhursugayaan halka ay ugu taliso inay deggaan.
Korneyl Hiiraale, ayaa xusay inaanu weli dhammaan khilaafka kala dhaxeeya Axmed Madoobe, balse uu soo afmeermi doono kolka ay is horfadhiistaan Madaxa Maamulka Kmg ah ee Jubba.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com