Beesha Sade oo Qaadacday hanaanka maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Soomaaliya
Muqdisho Aug 28,2014(SDN/QJ)-Beesha Sade Mareexaan ayaa waxa ay bayaan ay waxgaradkeedu soo saareen uga digeen in maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya loo isticmaalo isku dhufashada beelaha degaankaas.
Bayaan ay beesha Mareexaan Soo saareen oo uu ku sexeexan yahay Ugaaska beeshaas iyo Siyaasiyiin ayaa u dhignaa sidan:
danbe waxaa magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ka socday dadaal ay dowladda Federaalka Soomaaliya maamul gobolleed ugu dhisayso gobolka Galgaduud iyo qeyb kamid ah gobolka Mudug. Hadaba beesha Mareexaan Sade oo kamid ah beelaha waaweyn ee dega deegaanadaas waxaa ay qoraalkan ku cadeynaysaa aragtida iyo mowqifka ay beeshu ka leedahay maamul u samaynta deegaanadaas. Beesha Mareexaan waxaa ay go’aansatay soona jeedinaysaa qodobadan soo socda.
1. Beesha Mareexaan (Sade) waxaa ay cadaynaysaa in ay diidan tahay, qeybna ka ahayn maamul gobolleedka la damacsan yahay in laga sameeyo deegaanada Galgaduud iyo Mudug maxaa yeelay sharciga ma waafaqsana.
2. Beeshu waxaa kale oo ay cadaynaysaa in aan laga talo gelin arrintan, aysana jirin cid u matasha ka qeybgalka shirarka iyo kulamada looga wada hadlayo arrintaas.
3. Beeshu waxay cadaynaysaa in uusan matalin ururka Ahlusunna wal-jamaaca, kuna hadli karin aragtideeda iyo mowqifkeeda midna.
4. Beeshu waxay soo jeedinaysaa in aan laga dhex abuurin bulshada walaalaha ah ee deegaannadaas colaado iyo dhibaatooyin hor leh.
5. Beeshu waxay soo dhaweynaysaa maamul kasta oo cadaalad ah oo ay samaysato bulshada Soomaaliyeed waafaqsana shuruucda iyo qaanuunka dalka.
6. Beeshu waxaa ay soo jeedinaysaa in maamul u sameynta gobollada dalka looga danbeeyo dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, cullimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada degta gobolladaas.
Bayaanka waxaa ku saxiixan Ugaaska Beesha Sade, waxaana ay wadajir usoo saareen Xildhibaanada kasoo jeeda deegaankaas ee ku abtirsada beesha.
SDN/QJ-Muqdisho