Guddoomiyaha Xisbiga UCID ISIS ku sifeeyay Cawaan mar uu u waramayay Jariirada The Newyorker
Hargeysa Aug 28,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaredka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu u waramayay jariirada caanka ah ee The Newyorker waxa uu sheegay in kooxda ISIS ay tahay Cawaan.
Guddoomiyaha UCID ayaa inan uu dhalay oo Sayid la yidhaahdo kuna dhashay dalka Finland iyo xaaskiisu ay ku biireen kooxda ISIS, waxaana dhawaan la shaaciyay muqaalkiisa kiyoo ku hadlayay luuqada Finish-ka.
“Xukunka Shareecada Islaamku waxa ay xitaa gaari doontaa dalka Findlan, hadii aad aad nasiib u yeelatona waxaad tegi Janada, hadii eebe idmo. ilaahay ayaa ehelka aad ka baxdona kafaalo qaadi doona”ayuu yiri wiilka Faysal oo la baxay Abu Shuceyb al Somali.
Suxuufiga Jon Lee Anderson oo ka tirsan The Newyorker ayaa weydiiyay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe sida uu u arko kooxda Islamiyiinta ah ee ISIS.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo murugo darted madaxa hoos u dhigay ka dibna ayaar kor u qaadaya ayaa ku jawaabay”waa cawaan”.
Waa markii u horeysay ee ay jariirad caalami ahi suaashan oo kale weydiiso Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID intii ka danbeysa soo shaac baxa xogta inankiisa ku biiray ISIS.
http://www.newyorker.com/news/news-desk/men-killed-james-foley
SDN/QJ-Hargeysa