Dr. Axmed Cumar Gaagaale ”Abaaraha ka jira Degmada Buulaburde Hadii aan Hadda wax laga qaban waxa ay qarka u saarantahay in ay Macluul isku badasho”
Muqdisho Aug 28,2014(SDN/QJ)-Dr. Axmed Cumar Gaagaale oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay abaaraha ka jira Gobolka Hiiraan oo si gaar ah u saameeyey Shacabka ku nool Degmada Buulaburde iyo Tuulooyinka hoosyimaado kadib markii ay isku darsadeen go’doominta kooxda Al-shabaab iyo abaaraha ku dhuftay halkaasi.
Goobaha ugu daran ee haataan Abaaraha ay ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Buulaburde iyo Tulooyinka kala ah Weylojirow,Galabbanaan,
Mudane gaagale ayaa ku booriyay Dowladda Federaalka in ay wax ka qabato abaaraha ka jira Degmada Buulaburde taasoo keeni karto hadii aan wax laga qaban macluul baahsan oo saameyn ku yeelan karto Boqolaal qoys oo hadda u baahan Gargaar.
Mudane Dr. Axmed Cumar Gaagaale ayaa Sheegay….” Waxaa halkaan fariin ugu diryaa Dowladda federalka ee Somalia in ay wax ka qabato Abaaraha ka jira Degmada Buulaburde iyo Tuulooyinka Hoosyimaado,waxa ay abaarahaani saameeyeen shacabka Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada,si gaar ah waxaa jira Shacabkii ku noolaa gudaha Degmada Buulaburde in ay heysato go’doomin iyo xayiraad lagu soo rogay ganacsigii magaalada,waxa ayna keentay in qiimaha raashiinka sicir barar badan ku yimaado, waxaana hadda qiimaha la siiyo kiilada Bariiska gaartay Toban Doolar,waxaana xiran wadooyinka soo gala magaalada Buulaburde oo kooxda Al-shabaab diiday xitaa raashiinkii in lageeyo Magaalada Buulaburde,sidaa daraadeed waxaa Dowladda ugu baaqayaa in ay wax ka qabato arimaha abaaraha inta aysan isku badalin Macluul keeni karta halis galinta shacabka ku nool Magaalada Buulaburde iyo Tuulooyinka hoosyimaado maadaama Magaalada Buulaburde ay hadda ka bilaabatay Dhimashada dadka ay abaaraha saameeyeen….’’ayuu Yiri Mudane Axmed Gaagaale.
Dr.Axmed Cumar ayaa Baaq udiray Hey’adda gargaarka in ay wax ka qabtaan arimaha abaaraha jira….”Hey’adaha Samafalka ee Bixiya gargaarkaa waxaan u sheegayaa in ay qeybta ay ka leeyihiin Gurmadka dadka ay abaaraha saameeyeen in ay kaalintooda si hufan u qaataan,haataan waxaa ka jira Degmada Buulaburde iyo Tuulooyinka hoosyimaado Xaalado Caafimaad,Isbitaalada iyo MCH-yada Muddo lixsano ah ma shaqeynin,waxaan Hey’addaha u jeedinayaa in si gaar ah ay wax ugu qabtaan arimaha Caafimaadka,diyaariyaan Daawooyin,iyo adeegyada Gurmadka haddii kale waxaa la gaaraya xilli aan waxlaga qaban karin,hadda ayee haboontahay in Gurmad Deg deg ah lala gaaro dadka ku dhibaateysan Degmada Buulaburde iyo Tuulooyinka hoosyimaado…” ayuu Yiri Mudane Siyaasi Gaagaale.
Sidookale waxa uu Dr. Axmed Cumar Gaagaale Dowlaadda Federaalka ugu Baaqay in ay furaan wadooyinka soo gala Magaalada Buulaburde oo xayiraad ku jirto tan iyo markii Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashana kuwa Amisom ay gacanta kudhigeen…” Magaalada Buulaburde waxaa saaran Go’doomin,waxaa xiran wadooyinka soo gala Magaalada,kooxda Al-shabaab waxa ay diideen in Ganacsiga magaalada soogala,waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Midowga Afrika in ay furaan wadooyinka soo gala Magaalada taa hadii ay dhacdo waxaa sahal noqonaya in gurmad lalagaaro dadka haataan abaaraha iyo dhibaatooyinka dhanka nolol xumad soo wajahday,waana bogaadinayaa Dadaalada ay wadaan Ciidan Xoogga Dalka iyo Ciidamada Amisom si gaar ah Walaala Hiil-Walaal ee ka socda Dalka Djabuti oo naftooda u huray xureynta Gobolka Hiiraan…”
Ugu danbentii Dr. Axmed Cumar Gaagaale ayaa Talooyin u soo jeedinayaa Jaaliyadaha iyo Ganacsatada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan in ay kaalintooda ka qaadaan Gurmadka iyo Badbaadinta wallaalahooda ku dhibaateysan Tuulooyinka iyo Degmooyinka go’doonsan… ”Qurba joogta iyo Ganacsatada waxaa la joogaa xilligii loo baahnaa kaalmadiina,in aad qaadataan doorkiina ku aadan Sidii aad wax ugu qabanlaheedeen abaaraha iyo Hormarrinta Gobolka,Hasuginna inta ay dhimanayaan ama xaalad Halis ah gaarayaan Shacabka hadda u baahan gargaarka,Haddii aad iskaashadataan waxaa hubaa in waxbadan aad qabankartaan,Maanta walaalihiina waxa ay u baahanyihiin Gacantiina,si niyad leh isku duubnaan ayaa xaaladahaan oo kale looga bixikaraa,… ”ayuu Yiri Mudane gaagaale.
Hadalka Mudane Dr. Axmed Cumar Gaagaale ayaa ku so aaday xilli laga deyrinayo xaaladaha noleed oo ay ku suganyihiin dadka ku nool Degmada Buulaburde iyo tuulooyinka hoosyimaada,waxaana maalinba maalinta ka danbeysa la soo sheegaya in ay sii kordhayaan sameynta aabaraha oo qarka u saaran in xaalad macluul ay isku badasho hadii aan si deg deg ah hadda wax loogu qaban.
Dr. Axmed Cumar Gaagaale
E-mail:-agagale@yahoo. Com