“Hargaysa Caruurta ku Dhalatay Waxaa Suurto gal ah inaanay Weligood Miyi Tegin Maxaad u Malaynaysaa Kuwa Yurub” Doodii Gudoomiye Cirro iyo Dabuubtii Suxufi Axmed Xasan Cawke DAAWO
Hargaysa 28.Aug 2014 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku Amaanay Fannaanada Sahra Axmed Sahra Halgan is Xilsaarkeeda iyo Dhidibo u Taagida Xarunta Hidaha iyo Dhaqanka ee Hido Dhawr oo Hargaysa laga Hirgaliyay.
Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa waxaanu yidhi “ Waxaan Hambalyaynayaa Sahra Halgan oo Halkankii dheeraa markii lagu guulaystay haddana bilawday halgan dheer oo dhiniciii dhaqanka ah.runtii Xarumahan oo kale waxay wax tar u leeyihiin Caruurteena, xataa kuwa Hargeysa ku dhashay qaar baa laga yaabaa inaanay Miyi waligood tagin. Waxaynu ku soo wada barbaaray Aqal Soomaaligaas oo qoyska 20 Qof ahi hal aqal Soomaali buu lahaa. Jamaala waan la qabaa in Dadaalkaa Shakhsigu sameeyay Qaranku caawiyo”.
Waxaa Kale oo Gudoomiye Cirro uu Si rasmi ah Xadhiga uga Jaray Xarunta Hido Dhawr.
Sidoo Kale Suxufiga Ruug Cadaaga ah ee Axmed Xasan Cawke ayaa Sheegay in loo baahan yahay Sidii Dhallinyarada Soo Kacaysa loo bari lahaa Tilmaamaha Suuban ee Dhaqanka Ummadeena Baadi Soocda u ahaa.
Xaruntan ayaa Ciyaaraha kale duwan ee Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida lagu soo bandhigay, kuwaasi oo ay ciyaarayeen Kooxda Sahra halgan.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com