Hobolad Daahfurtay Xarun Dhaqan oo loo Bixiyay Hido Dhawr Iyo Sababaha ku Dhaliyay DAAWO
Hargaysa 28.Aug 2014 (SDN/QJ)- Fannaanad reer Somaliland ah,ayaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka furtay Xarun dhaqan oo la magac baxday HIDDO DHAWR.
Fanaannadda Caanka ah ee Reer Somaliland Sahra  Axmed Maxamuud(Sahra halgan), ayaa Xarun Hiddaha iyo Dhaqanka ah oo loo bixiyay HIDDO DHAWR ka furtay Hargeysa.
Goobtan Hiddaha iyo dhaqanka ayaa ku qalabaysan Noocyada Kala duwan ee Soomaalidu lahayd dhaqanka, sida weelka, Agabka guriga iyo waxyaabaha xoolaha loo adeegsado, iyadoo Gidaaraddana lagu sharxay qaybaha kala duwan ee Xayawaanka iyo Xoolaha.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com