Xabad-joojin Lagu Diirsaday Oo Laga Hirgeliyey Deegaanka Qaza
Qaza:Aug,27,2014(SDN/QJ)-Dagaalyahannada Xamaas ee Reer Falastiin iyo Maamulka Yuhuudda ayaa si wada jir ah u aqbalay Heshiis xabad-joojineed oo ay dabada ka riixayso Dawladda Masar, kaas oo laga hirgelinayo Deegaanka Qaza ee Dagaalladu ka socdeen.
Sarkaalka u qaabilsan Xamaas arrimaha wadahadalada Moussa Abu Marzouk ayaa sheegay in heshiis soo afjarayo dagaal socday muddo 7 toddobaad ah kaasoo ay ku dhinteen 2,200 oo ruux si rasmi ah loogu dhowaaqi doono goor dhow.
Heshiiskan ayaa waxaa la sheegay in maamulka Israel uu oggolaaday in la fududeeyo xayiraada saaran magaalada Qaza loona fasaxo in gargaar iyo qalabka dhismahaba gaadhaan.
Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Israel, waxana warku ku egyahay kaliya dhinaca Reer Falastiin.
Labada dhinac ayaa heshiiska ay gaadheen waxaa uu dhigayaa in bil kadib ay ka wadahadlaan sidii loogu dhisi lahaa magaalada Qaza deked gaar u ah iyo sii deynta maxaabiis Falastiiniyiin ah oo gaadhaya 100 kuwaasoo labada dhinac hore ugu heshiiyeen 2011 iyadoo la isku weydaarsanayo askarigii Israel ee Gilad Shalit.
Heshiiskan ayaa la sheegayaa inuu falastiiniyiinta qudhooda wax badan ka dalbanayo, balse inta la sheegay ayaa libin u noqonaysa Shacabka reer Falastiin oo muddo badan daraannka Madaafiicdu Hoy u ahaayeen.
SDN/QJ