|

Awiimiir Cusub Oo Shabaabka Buulla-Madheedh Siiyeen Shacabka Deegaanka iyo Weerarro Dhawaan La Filayo In Ciidanka Huwanta Halkaas Ku Bilaabaan

Buulo-Madheedh:Aug,27,2014(SDN/QJ)-Kooxaha Alshabaab eek u sugan magaalada Buull-madheedh ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa shacabka Halkaas deggen awaamiir cusub kusoo rogay.

mareeAlshabaab waxa ay gaadiidka waawey ku xidhay Cod-baabiyayaal, waxana ay bilowday inay dadka u sheegto inay magaalada Iskaga Baxaan, waxana ay sabata uga dhigeen inuu cadow kusoo wajahan yahay iyadoo xilligan Ciidamada Huwantu ku sii dhaw yihiin Halkaas.

Gudoomiyaha Qoryooleey Maxamed Cismaan Xaaji ayaa xaqiijiyay in Shabaabka Buula-Madheedh ay arrintan ku ciqaabayaan shacabka magaalada.

Lama oga ujeedka Al-Shabaab ay ka leeyihiin arrintan, waxaase ay ka mid tahay astaamaha lagu yaqaano Kooxdu marka ay weerar noocan oo kale ah ka warqabto.

Dagaal culus, ayaa la filayaa in gobolka Shabeelaha Hoose ay dhowaan ka qarxaan, iyada oo dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay ka saarto Al-Shabaab gobolka, waxaana goobaha weerarka uu ku socdo ka mid ah degmada Baraawe.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed