Qaar ka mid ah Shaqaalaha Beeraha Qaadka Kenya Oo Lagu Arkay Xanuunka Ebola iyo Halista Somalia Kaga Iman Karta
Nairobi:Aug,27,2014(SDN/QJ)-Waxa soo Baxaya warar sheegaya in Qaar kamid ah shaqaalaha Beeraha qaadka eek u Yaalla Gobolka Meru ee dalka Kenya laga Helay Xanuunka Halista Badan ee Ebola.
Shaqaalahani Cudurka Halista ah ee Ebola laga helay ayaa waxaa la sheegay inay ahaayen dhalinyarada gurta Qaadka islamarkaana u kala dhoofin jiray Dalalka Africa.
Shaqaalahaani Cudurka laga helay ayaa waxaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Meru general Hospital waxaana la mamnuucay in Warbaahinta laga baahiyo sababo la xidhiidha ganacsiga qaadka.
Dhakhaatiirta Caafimaadka Kenya ayaa iyagu bilaabay inay fasaxyo qaatan kadib markii ay heleen Kiisas badan oo muujinaaya Bukaanada qaba Cudurkaasi Halista ah ee Ebola.
Sidoo kale, Saraakiisha Caafimaadka ayaa xaqiijiyey in caalamku uu hadda ka war helay, in bukaano qaba Cudurka Xummadda Dilaaga ah ee Ebola in lagu hayo Magaalada Meru, halkaasi oo ah meesha laga keeno qaadka Soomaaliya loosoo dhoofiyo.
Dhanka kale, Dowladda kenya ayaa warbaahinta dalkeeda ka qarinaysa in Arrintaan la shaaciyo, maadaama ganacsiga kenya qayb wayn oo ka mid ah ay tiirsan tahay beeraha qaadka ee Gobolka Meru, haddii warbaahinta caalamku ogaatana waxay noqonaysaa in lasoo xidho beerahaasi maadaama uu ka dillaacay virus-ka halista ah ee EBOLA.
Hore ayaa qaramada Midoobay laanteeda caafimaadka qaabilsani uga digtay inay suurtagal tahay in cudurka Ebola ka dillaaci doono Dalka Kenya, balse wali kiis cad oo xanuunka ah si toos ah warbaahinta looma horkeenin.
SDN/QJ