|

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo:Annigu waxaan ku talin lahaa dawladda Somaliland-na aan u soo jeedin lahaa in wada hadal lala furo Cali Khaliif

Hargeysa Aug 27,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Gobolka Cusub ee Xaysimo ee Somaliland Md. C/rashiid Maxamed Axmed (Xiir) ayaa dawlada Somaliland uGu baaqay in wadahadal lala furo madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeydh.

“Annigu waxaan ku talin lahaa dawladda Somaliland-na aan u soo jeedin lahaa in wada hadal lala furo Cali Khaliif, oo wada xaajood lala gallo ayaan ku talin lahaa, runtii dadku waa isku dad, waa isku dal, oo Cali Khaiilf dadka uu odayga u yahay ama siyaasiga u yahay, waa dadka deegaankaasi, isaguna dadkaasi ayuu ka mid yahay, laakiin maxay maslaxaadoodu ku jirtaa xiligan hada la joogo? umma arko anigu in ay maslaxada dadkaasi ku jirto siyaasadan uu hadda Cali Galaydh wado. dadkaasina waxay hada u baahan yihiin amni, waxay u baahan yihiin waxbarasho, waxay u baahan yihiin caafimaad, waxay u baahan yihiin horumar iyo wax alla wixii adeeg bulsho ah oo deegaankii laga fuliyo, cid alla cidii ka fulinaysa oo aan hada filayo in ay dawladda Somaliland diyaar u tahay in ay ka qabatan dadku taasi ayay u baahan yihiin, markaa taasi darteed ayaan u arkaa in aanu Khaatumo wax raad ah ku yeelaynaynin, haddii halkan (Somaliland) diyaar looga yahay in wax laga qabto.” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Cusub ee Xaysimo Md. C/rashiid Maxamed Axmed (Xiir).

Guddoomiyaha Gobolkan dhawaanta lagu dhawaaqay ee Xaysimo ayaa hadalkan sheegay mar uu u waramay jariirada Dawan ee ku hadasha afka xukuumada Somaliland.

Xeel dheereyaasha siyaasadaha Soomaalida Geeska Africa ayaa qaba in sababta Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh uu haatan madaxweynaha maamulka qabiil u noqday ay tahay jugeysi siyaasadeed.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed