|

Madaxweyne Siilaanyo iyo Nicholas Kay ka oo Hawada isu Mariyey Hadallo Kala Fog

Silanyo-iyo-Kay1
Hargeysa 26/8/2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ergayga Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, ayaa hadallo iska soo horjeeda isku mariyey barta internet-ka lagu wada xidhiidho ee loo yaqaan Twitter-ka

Ergayga Xoghayaha Guud oo bishan August safar ku yimi Somaliland, ayaa qoraal kooban oo uu ku faafiyey boggiisa internet-ka ee Twitter-ka 22 August 2014 ku sheegay in dalalka Kenya, Itoobiya, So

maliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed Puntland taageersan yihiin nidaamka federaalka Soomaaliya.

“Toddobaad dheer ayaan safar ku joogay Puntland, Somaliland, Itoobiya iyo Kenya. Dhammaantood waxay taageereen federaalka Soomaaliya, iskaashiga Qarammada Midoobay, Midowga Afrika

iyo ololaha lagula dagaallamayo argagixisada,” ayuu Nicholas Kay ku yidhi qoraalkiisa.

 Lama oga waxa run ka ah hadalka Ergayga Qarammada Midoobay ku sheegay in Somaliland taageertay nidaamka federaalka Soomaaliya, iyadoo aan la ogayn inuu u jeedo in Somaliland oggoshay inay qayb ka noqoto federaalka Soomaaliya iyo in ujeeddadiisu tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo madaxbannaanideeda haysatay ay jeceshay hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya oo aanay qayb ka ahayn.

Hase yeeshee, suxufi ka tirsan hay’adda warbaahinta ee la yidhaah Innner City Press oo xaruntoodu tahay magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa Ergayga Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay weydiiyey waxa uu uga jeedo in Somaliland taageersan tahay nidaamka federaalka Soomaaliya, waxa uu Mr. Kay ku jawaabay; “Markii aan joogay Hargeysa waxaan maqlay in Somaliland ku adag tahay madaxbannaanineeda, basle ay sidoo kalena taageersan yihiin hannaanka dhismaha Soomaaliya ee heer gobol.”

Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qoraal uu ku baahiyey twitter-kiisa 24 August ku sheegay in aanay dawladda Somaliland oggolayn inay martigeliso xafiiska siyaasadda Qarammada Midoobay ee UNSOM, madaxdana ka yahay Mr. Nicholas Kay.

“Somaliland waxay sii wadaysaa inay dhinacyada horumarka kala shaqayso Qarammada Midoobay, laakiin Somaliland martigelin mayso xafiiska siyaasadda ee UNSOM,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa kooban, balse sooma hadal qaadin waxa ka jira hadalka Nicholas Kay ku sheegay in Somaliland oggoshay nidaamka federaalka Soomaaliya iyo ujeeddada arrintaas ka dambaysa.

 

Jamhuuriya

Comments are closed