Hoggaanka Maamulka K/Galbeed Oo Ku Gooddiyey Inay Sii Wadi Doonaan Bannaan baxyada ay Wadaan
Baydhabo:Aug,26,2014(SDN/QJ)-Hoggaanka sare ee Maamulka K/Galbeed Somali ee xaruntiisu tahay Magaalada Baydhabo, ayaa ku Gooddiyey inay sii wadi doonaan mudaharaadada ay kaga soo horjeedaan Dawladda Federalka Somalia.
Xarunta Maamulka oo ah Magaalada Baydhabo waxaa shalay ka dhacay banaanbax rabshado watay, oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo Booliska lagu eedeeyay in ay gaadhi jiidh siiyeen nin ka mid ahaa banaan baxayaasha, isla-markaana uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay.
Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Liibaan Sheekh Fu’aad, ayaa wuxuu daaha ka rogay inay sii wadi doonaan banaanbaxyada ka dhanka ah wefdiga uu horkacaayo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, ee lagu wado inay ka deggaan Magaalada Baydhabo.
Waxa uu kaloo sheegay in nin kasta oo kaga dhintay weerarka kaga imanaaya Booliska, uu qorshahoodu yahay inay aas u sameeyaan, halkaana ay ka sii wadaan banaanbaxyada ay kaga soo horjeedaan Madaxda Dowladda.
Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed, ayaa Magaalada Baydhabo u tegaaya sidii uu u furi lahaa, shirka Maamulka loogu soo sameynaayo Gobolada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool, iyadoona uu shalay ka baaqsaday safar uu ugu amba bixi lahaa Baydhabo.
Afhayeenka, ayaa Ra’iisal Wasaaraha si kulul ugu eedeeyay in uu kala qaybinaayo dadka deegaanka, xilli uu sheegay in intoodu badan ay doonayaan Maamulka Koonfur Galbeed, in uu ka arrimiyo lixda Gobol.
Liibaan Sheekh Fu’aad oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale sheegaaya inaanay Madaxda Dowladdu la socon waxa ku qoran Dastuurka, sababo ku aadan iyagoo cabudhinaaya bulshada, xilli sida uu sheegay uu Dastuurku dadku u ogol yahay inay dareenkoodu muujiyaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com