Wasiirka Duulista oo Qiray in Wasaaraddiisa iyo Ciidanka Qaranku isku Khilaafeen Dhul loo Xidhayay Madaarka
Hargaysa 27.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa markii ugu horraysay ka hadlay muran dhul uu u dhexeeya Xukuumadda,gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku muran san Xeryo Ciidanka Qaranku leeyihiin oo u dhaw madaarka Hargeysa oo la sheegay in xayn daab madaara loo samaynayaa uu ku beegmay isla markaana Wasaaradda Duulista iyo Ciidanka Qaranku isku khilaafeen qaabka loo xayn daabayo Madaarka Hargeysa.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waxaa uu qiray in muran dhul u dhexeeyo Wasaaradiisa iyo Ciidanka Qaranka isla markaana ay arrintooda gacanta ku hayaan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu isla markaana la filayo in ay dhakhso u soo afmeeraan muran dhuleedka xukuumadda dhexeeya.
“Dawlad ahaan Ciidanka Qaranka iyo Wasaaradda Duulistu waa isku xukumad.ma qarinayo in is-fahan darro soo baxday oo runtii been la sheegi maayo, haseyeeshee anagu dhul ma kala lihin.Anagu meeshan aanu xidhayno dee Maxamuud Xaashina Xidhan maayo wasaaraddina xidhan mayso ee Madaarkeenii ayaynu u xidhaynaa. Xeryaha Ciidamada qaranka lagu xad gudbi maayo xerooyinkana la xidhi maayo.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista
Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Ciidamada Qaranka ee M Gaasta iyo Ciidamada qaranka ee Kamaandowsta labaduba way ka baxsan yihiin xayndaabka.Xerada Ciidanka Cirku waligeedba wasaaradda duulista ayay ka tirsanaayeen oo gudahay ku jirayaan, hadiii Isfahan daro soo baxdayna gacantaa arintaas lagu hayaa oo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo Raggii Masuulka noo ah ayaa isku kaaya toosinaya oo wax dhiilo ahi ma jirto ee wax wanaagsan baa inoo socda” Ayuu yidhi Wasiirka Duulistu
Hargaysa SDN/QJ