Wasiir Cadami oo Cadeeyay Shirka ay Beeshiisu ku qabsanayso Xiingalool inaanu Siyaasad iyo Maamul Shaqo ku lahayn kuna Sifeeyay Mid dhaqan DAAWO
Hargaysa 25.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ka war bixiyay shir ay beeshisu ku qabsanayso magaalada Xiingalool ee gobolka Sanaag oo ay xukuumaddu shaki ka muujisay isla markaana hore Wasiirro Xukuumadda ka tirsani u sheegeen in aanu ahayn shir beeleed la isku ogaaa ama laga wada ashaday iyagoo ku tilmaamay in ay ka soo bixi karaan wax aan dan u ahayn Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo maanta war baahina kula hadlay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa sidaa sawir ka duwan ka bixiyay shirka ay qababn qaabadiisu ka socoto magaalada Xiingalool ee u furmaya beeshiisa,waxaanu sheegay in shirkaasi uu yahay mid dhaqan oo beeleed isla markaana beeshu kaga wada hadlayso arrimo dhaqan,waxaanu meesha ka saaray in shiraa ay ka soo bixi karan wax lid ku ah Somaliland.
Wasiir Cadami oo ugu horrayn ka hadlaya shirka iyo halka uu marayo,ayaa yidhi..
“Soomaalidu waxay tidhaa Habaar waa debad, yacnihii qof caafimaad qaba inaad Cudur u saadisaa ma fiicna.Xiin-galool Shir baa ka socda, wali ma socdo ee Abaabulkiisii baa socda, Shirku wali ma furmin oo Shirka waxa la yidhaahdaa marka Ajandihiisa la ogaado ee uu soo baxo, la furo albaabada, la yidhaahdo Ergadii way soo dhamaatay markaas ayaynu u naqaan shir furmay” Ayuu yidhi Wasiir Caddami oo warbaahinta kula hadlayay Hargeysa
Wasiirku waxa uu sheegay in Ajandaha Shirkaasi dhawaan la soo saari doono islamarkaana uu yahay mid dhaqameed oo aanay wax cabsi ah ka qabin “Inta aanu Ognahay, oo aan war ka hayo wax cabsi ah oo aanu ka qabno shirkaasi ma jirto.Anigu halkaas fog eed ku dhereriseen ee Khaatumo labaadaasiyo, waxaan odhan lahaa waar dadka ha maqashiinina maba yaqaaniin Magacyadaase.wax sidaas u eeg oo ka soo bixi karaana ma jiro ayaan anigu leeyahay. Shirkaasi waa shir dhaqameed waxay kaga shaqaynayaan wixii beesha danteeda ah ee inay Bulshada ka dambeeyaan ah iyo sidii ay u horumari lahaayeen iyo danahooda gaarka ah laakiin wax ku tacaluqa maamule kale iyo maamul ay iyagu samaysanayaan intaa midna anigu ma ogi. Waxaanan aaminsanahay inaanay jirin cid iiga war roon Shirkaasi hadii wax shaki ah aanu ka qabnana hadda shirkaanuba joogi lahayne halkan ma joogneen” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com