|

Hubka Dawladda Federal-ka Somalia La Soo Degayso Oo Golaha Ammaanku Dib u Eegi Doono

New York:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Danjiraha Dawladda Britain uga Wakiilka ah Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Golaha Ammaanka Mark Grant, ayaa sheegay in xubnaha ammaanka qaramada Midoobay dib u eegis ku samaynayaan Hubka Dawladda Federlka Somalia ay helayso.

golaha ammaankaMark Grant ayaa hadalkaasi bixiyey, kadib, markii ay isaga iyo 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM booqasho xaqiiqo-raadin ah ku yimaadeen magaalladda Muqdisho, wuxuuna xusay inay walaac aad u xooggan ka muujinayaan Warbixinta ugu dambeysay ee Kooxda Daba galka Hubka Somalia iyo Eretria  ku sheegtay in shixnaddo hub ah oo ay Dowladda Somalia soo degsatay loo weeciyey Xarakadda Alshabaab.

Wax uu intaaai ku daray inay Tallaabooyinka ay Dowladda Federalka Somalia ku sheegtay inay ku dhowrayaan ammaanka hubkaasi qeyb ka yahay Kulan qorsheysan oo dib loogu eegayo go’aanka laga qaadanayo Xayiradda Hubka ee Somalia.

Danjiraha Dowladda Britain uga wakiilka ah QM, Mark Grant oo isaga Bishan Guddoomiye ka ah Golaha Ammaanka ee QM ayaa tilmaamay inay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka si taxadir leh u eegi doonaan haddii la cusbooneysiinayo debcinta Xayiraadda hubka ee Somalia iyo haddii mar kale lagu soo rogayo xayiraad dhamaystiran.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa la sheegay inay go’aan ka qaadan doonaan in la hakiyo debecsanaanta xayiraadda hubka ee Somalia oo lagu wado inuu xilligiisa ku ekaanayo bisha October ee sannadkan.

Golaha Ammaanka ee QM waxay sannaadkii hore qeyb ahaan debciyeen Xayiraaadda Hubka ee Somalia oo la soo rogay 20-sanno ka hor.

Dowladda Federalka ayaa loo oggolaaday in ay shixnaddo hub ah soo iibsan karaan dalalka caalamka, iyadoo ay Guddiga Kormeerka QM ee Xayiraadda hubka lala socodsiinayo hadba shixnadaha hubka ee ay Dowladda soo iibsanayso.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed