Sirdoonka Ingiriiska Oo Qarka U Saaran Inuu Aqoonsado Ninkii Gawracay Wariye James Foley
London:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Sirdoonka Dalka Ingiriiska ayaa ku dhaw inay Aqoonsadaan Ninkii gawracay Saxafigii maraykanka ahaa ee James Foley.
Safiirka dowlada Maraykanka u fadhiya Maraykanka peter Westmacott ayaa u sheegay taleefishinka CNN in ay u adeegsanayaan tiknoolajiyada casriga ah sidii ay u aqoonsan lahaayeen ninkii gowracay saxafigii Maraykanka ahaa ee James Foley kaasoo la hayo cod uu duubay kahor intii aanu dilin Foley.
Ciidamada SAS iyo qalab wax tilmaama ayaa la geeyay waqooyiga dalka Ciraaq si loo raadiyo ninkii lahaa codka ama lahjada Britishka ah.
Kooxda afduubatay saxafiga Maraykanka ahaa ayaa waxaa ay wadahadal ka galeen sidii lacago faro badan ugu heli lahaayeen sii deynta saxafiga kadibna ay u degi lahaayeen wadamada Kuwait ama Qatar sida ay daabacday The Mail.
Waxana warka ka soo baxay safiirka Britain ee dalka Maraykanku uu ku soo beegmay iyadoo lagu soo bandhigay muuqaal lagu duubay aalada loo yaqaan CCTV ee garoonka dayuuradaha ee Gatwick kaasoo lagu arkay shan dhalinyaro British jihaad doon oo u dhoofayay dalka Siiriya si ay uga qeybqaataan dagaalada halkaa ka dhacaya.
Shantan dhalinyarada ah ayaa waxa ay ka mid yihiin shan boqol oo Jihaadi doon ah kuwaasoo ka tegey dalka Britain si ay uga dagaalamaan dalka Siiriya iyo Ciraaq.
Dhalinyaradan muuqaal video ah laga duubay ayaa waxaa ay ka tageen Portsmouth bishii Oktoobar ee sanadkii hore iyagoo u baqoolay dalka Turkiga halkaa oo ay ugaga sii gudbeen wadanka Siiriya.
SDN/QJ