|

Ganacsatada Bakaaraha iyo Dawladda Federalka ah Oo Heshiis Ka Gaadhay Murankii Shalay Dhacay

Muqdisho:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Fadhi kedis ah oo ay xalay iskugu yimaadeen Xubno Dawladda ka tirsan oo uu hoggaamiyo Ra’isal wasaare ku xigeenka Dalka Ridwaan Xirsi Maxamed oo ay qayg ka ahaayeen Xubnaha Ganacsiga waaweyn ku leh suuqa Bakaaraha, ayaa si weyn loogu lafo guray muranka Ka  Dhashay Cashuuro ay cabanayaan Ganacsatada Suuqa Bakaaruhu.

bkBayaan laga soo saaray xafiiska Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Xukuumada Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa lagu sheegay in lagu soo gunaanaday Cabashadii ay qabeen ganacsatadu, isla-markaana la isla gartay nidaamka cashuurta looga qaadayo ee ay iyaguna u bixinayaan,

“Kulanka ayaa waxaa lagu falan qeeyey sidii iskaashi iyo wada shaqayn loogu qaadi lahaa Canshuurt Dowladda, iyadoo guddiga ay si hoose uga hadleen cabashooyinka tooska ah ee ay ganacsatadu ka qabaan qaadista Canshuuraha Dowladda.” Ayuu lagu sheegay bayaan wasiirka warfaafintu kulankan kasoo saaray.

Kulanka deg degga ahaa ee guddigaasi ka dib, ayaa laga soo saaray qodobbo ay isla garteen Xukuumadu iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ka mid ahaa qodobbada la isla gartay.

In Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan Canshuurta Dowladda, si ku saleysan sharciga dalka.

In wixii Canshuur ah ay qaadi karaan oo kaliya hey’adaha ugu xilsaaran Dowladda qaadista Canshuurta, dhanka kale ciddii qaadda Canshuur aanay ka warqabin hey’daha Dowladda in laga qaado tallaabo sharci ah.

In cabashooyinka ka yimaada ganacsatada Soomaaliyeed ee la xidhiidha Dakedda, Koontaroolada iyo Canshuurta loo xaliyo si ku dhisan is afgarad iyo wada shaqayn, dhanka Xukuumadda iyo ganacsatada ah.

Xukuumada, ayaa waxay laamaha ammaanka fareysaa in ay suggaan nabadgelyada ganacsatada iyo dhammaan shacabka, xilli uu maanta si iskiis ah isu xiray ganacsigii Suuqa Bakaaraha.

“Xukuumadu waxa ay fareysaa dhammaan hey’adaha ammaanka in ay sugaan nabad-gelyada ganacstada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.” waxaa sidaasi lagu yidhi Bayaanka ay Dowladdu soo saartay xalay.

Shalay ayey ahayd markii uu Gebi ahaanba Ganacsiga Suuqa Bakaaruhu iskii isku xidhay, markii ay ganacsatadu ka cawdeen cashuurro  xad-dhaaf ah oo si is barbar yaac ah looga qaaday Meelo kala duwan, waxana ay taasi keentay in dawladdu kulan ugu yeedho ganacsatada.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed