Golaha Guurtida oo ku Baaqay in la Qabyo Tiro Arrimaha ku xidhan doorashooyinka iyo in Dadka Soo Galeetiga ah dalka laga saaro
Hargaysa 25.Aug 2014 (SDN/QJ)- Fadhigii Shalay ee Golaha Guurtida jamhuuriyada S/land oo uu shirgudoominaayey Gudoomiye ku xigeenka kowaad Md=Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha Golahaasi waxay waxay warbixin ka dhagaysteen Gudoomiyaha hore ee Guddida joogtada ee Golahaasi xildhibaan muuse xaaji cabdi ducaale .
Xildhibaan muuse xaaji cabdi ducaale ayaa wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Guddidan joogtada ah ee Golaha Guurtida oo shaqaynayey mudadii u dhaxaysay labada kalfadhi ee 53naad iyo 54naad ayaa waxay Guddidu xooga saartay saddexdan qodob ee kala ah:
1,anshaxa 2,amniga 3,dadka soo galaytiga ah ee aan sharciga lahayn .
Geesata kale Guddidani joogtada ee Golaha Guurtidu waxay kulamo xog waraysi ah la soo yeesheen masuuliyiinta warbaahinta Qaranka oo ay kala hadleen in aanay bulshadeena ugudbin wararka xanafta leh ee qabiilka ku saabsan.
Guddidani Joogtada ee Golaha Guurtidu waxay tallo ku soo jeediyeen qodobadani=
(1)-in si dagdag ah looga saaro dalka dadka soo galaytiga ah ee aan sifo sharci ku joogin, inta ka horaysa diwaangalinta muwaadiniinta.
(2)-Guddidu waxay soo jeedinaysaa in lataliyayaasha Golaha lagu soo daro la taliye xagga arrimaha diinta ah.
(3)-In la qabyo tiro howlaha ku xidhan doorashooyinka .
(4)-in la kala xadeeyo Gobolada iyo degmooyinka dalka.
(5)- in xukuumadu dhiiri galiso dugsiyada lagu barto farsamada gacanta.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com