Siyaasiga Fu’aad Aadan Cade oo uu Wasiir Xaglo Toosiye Dib u Soo Ladqabeeyay kana soo Kaxeeyay Xudun iyo Fu’aad oo Burco kaga Hadhay Waa Maxay Sababtu DAAWO?
Hargaysa 25.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ku guulaystay inuu soo maslaxo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha gobollada Bariga dalka Fu’aad Aadan Cadde oo dhawaanahanba saluug siyaasadeed u joogay Degmada Taleex ee gobolka Xaysimo oo hore uga tirsanaa Sool, waxaanay ku kulmeen deegaankaas oo uu Wasiir Xaglo-toosiye u tegay Dhagax-dhigga Cusbitaal ay Xudun yeelanayso.
Kulan iyo wadahadal dhex-maray Wasiirka iyo la-taliyaha, ayaa la sheegay inuu Xaglo-toosiye ku qanciyey Fu’aad inay isa soo raacaan oo uu ka soo noqdo diidmada siyaasadeed ee uu toddobaadyadii ugu dambeeyey ku joogay deegaankaas, iyadoo hore loo baahiyey inuu u tallaabayo dhinaca Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isaguna uu Waraysiyo badan oo lala yeeshay ka gaabsaday inuu ku caddeeyo su’aalo badan oo lagu weydiiyey waxa uu tabanayo iyo inuu dhinacaas u sii socdo, balse uu markasta ku cudur-daaranayey inaanu wakhtigan wax faahfaahin ah ka bixinaynin, laakiin lagaba yaabo wararka laga qoray ee sheegaya inuu Puntland u galayo inay run noqon karaan, beenna noqon karaan, isla markaana uu caddaynayey inuu ku sugan yahay dhulka Somaliland.
Hase-yeeshee, Fu’aad Aadan Cadde, ayaa ka soo dhex-muuqday Muuqaalka Munaasibadda uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland ku dhagax-dhigay dhisme noqonaya Cusbitaalka Qaaxada degmada Xuddun oo lagu kordhiyey Cusbitaalkii hore ee deegaankaas oo uu dhagax-dhigay Sabtidii shalay, waxaana kulankaas dhagax-dhigga ka hadlay Wasiirka Caafimaadka iyo La-taliyaha Madaxweyne ee gobollada Bari.
“Waxaa Farxad noo ah inaan maanta (shalay) halkan ka dhagax-dhigno fidinta iyo ballaadhinta Cusbitaalka TB-da (Qaaxada) ee degmada Xuddun, kaasoo aannu ugu talo-galnay inuu daboolo baahida xanuunkaas ee deegaankan ka jirta, dhismihiisa waxa loo bilaabiyaa sida ugu dhakhsaha badan leh, Shaqaalihiisii iyo Dawadiisina waa u diyaar, waxaanan dadka deegaanka ku dardaarayaa inay ka faa’iidaystaan oo ay Cusbitaalka ilaashadaan, Hay’adda dhisaysana ilaashadaan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye).
Waxaanu Wasiirka Caafimadku Xadhigga ka jaray goob Caafimaad (MCH) ay Hay’adda Bisha Cas ka caawisay dayac-tirka iyo dib-u-dhiska lagu sameeyey xaruntaas Caafimaad, sida uu Wasiirku sheegay isagoo halkaas uga mahad-celiyey Hay’adda gacanta ka geysatay dib-u-dhiskaas, isagoo ballan-qaaday Wasiir Xagle-toosiye inay si is-daba-joog ah wax uga qaban doonaan Baahiyaha Caafimaad ee deegaannadaas iyo socodsiinta Xarumaha Caafimaad ee ka jira-ba.
Sidoo kale, La-taliye Fu’aad Aadan Cadde, ayaa isaguna kulankaas ka hadlay oo sheegay inay wax wanaagsan tahay inay Hay’adihii 23-ka sano ka baqayey gobollada Bari inay maanta ka hawlgalayaan gobolka Xaysimo (Taleex). “Wasiirku aad iyo aad buu u mahadsan yahay, Cusbitaalka Qaaxada ee degmada Xuddun ee uu dhagax-dhigay ee uu ballan-qaaday dhaqso inuu u dhismayo, Xarunta Caafimaad ee aadka loogu baahnaa ee uu hadda (shalay) ka dhagax-dhigay Lafa-weyne, waxa ka sii wanaagsan Hay’adihii 23-ka sannadood odhan jiray Bari waa la isku cunaa oo la tegi maayo kuwoodii ugu muhiimsanaa inay maanta Bari joogaan.” Sidaa ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.
Waxaana la filayaa sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen dad Weftiga Wasiirka Caafimaadka Somalialnd xubno ka ahi, in Fu’aad Aadan Cadde uu dhinaca Hargeysa u soo raaco Weftiga Wasiir Xaglo-toosiye. Illaa hadda si rasmi ah uma caddayn nooca tabashada siyaasadeed ee uu qabo ama uu tirsanayo Fu’aad Aadan Cadde, waxaana haddii uu Weftiga Wasiirka Hargeysa u soo raaco meesha ka baxaysa dareenka iyo shakiga laga qabay inuu dhinaca Puntland u wareego oo si aad ah loo hadal hayey saddexdii toddobaad ee u dambeeyey.
Hargaysa SDN/QJ