Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Gudoomiye u Magacaabay Gobolka Xaysimo ee Xaruntiisu tahay Magaalada Taleex
Hargaysa 24.Aug 2014 (SDN/QJ)- Warsaxaafadeed Maanta ka soo Baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu Sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu Digreeto ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Cusub ee Xaysimo oo Xaruntiisi Tahay Magaalada Taleex.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay SL/M/XERM/249-2670/082014 ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin
dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada
Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.