|

Madaxweyne Kenyata Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Deriska la ah Ee Uganda

Nairobi:Aug,24,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Uhuru Kenyata, ayaa safar ku gaadhay dalka Uganda, iyadoo u jeeddaduna tahay siduu uu uga qaybgeli lahaa kulan dhallinyarada Arrimahooda Lagaga hadlayo  oo Halkas ka dhacaya.

uhuruMadaxwayne Kenyatta, ayaa lagu wadaa inuu kulankaasi hadal ka soo jeediyo iyadoo la filayo inuu ka jawaabo su,aalo ku aadan hogaanka, maaraynta iyo ganacsiga.

Madaxwaynaha dalka ayaa sidoo kale waxuu wada hadal la yeelan doonaa Madaxwaynaha kulankaasi ku martida galiyay ee Yoweri Museveni, isagoo kala hadli doona arinta shirka dhalinyada ee loogu magaca daray Pakasa.

Socdaalka uu Madaxwaynaha dalkani Kenya, Uhuuru Kenyatta ku tagay dalka Uganda ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiisha dowladda Uganda iyo safiirka safaarada Kenya ay ku leedahay dalkaasi Geoffrey Okanda.

Safarka  uu madawayne Kenyatta ugu ambabaxay dalka Uganda ayaa waxaa ku sii dhoweeyay Madaxwaynaha madaxda sare ee dalka sida Madaxwayne ku xigeenka dalka William Ruto iyo saraakiil kale oo dowladda ka tirsan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed