|

Jimciyadda Quruumaha Ka Dhaxaysa Oo Caddaysay Inay Ciidanka AMISOM Weerarayaan Dedekadaha Al-shabaab Gacantooda ku Hadhsan

Nairobi:Aug,24,2014(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Inay ciidamada AMISOM Diyaar u yihiin weerarro ay ku qaadaan Goobha Dedekaddaha ah ee Kooxda Alshabaab wali gacanteeda ku hadhay.

kay kayErgayga Qaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicholas Kay oo isagu arrintan ka Hadlay ayaa sheegay in ciidanka AMISMO iyo kuwa Somalia diyaar u yihiin inay Goobahaas Weeraaraan si ay u soo afjaraan Dhuxusha Sharci darrada ah ee ay dhoofinayaan.

Nicholas Kay oo Wakaalladda Wararka ee AFP ugu waramayey magaalladda Nairobi ayaa tilmaamay inay Dekedda magaalladda Baraawe tahay goobaha tiradda yar ee ay Alshabaab maamulaan, wuxuuna xusay in Hawlgalka AMISOM iyo ciiddanka Dowladda looga dan leeyahay si Alshabaab looga hor-istaago Malaayiinta Dollar ee ay ka helaan Ganacsiga Dhuxusha loo iibiyo dalalka Gacanka Carabta.“Alshabaab waxay Dhoofinta Dhuxusha sannadkiiba ka helaan ugu yaraan 25 million oo Dollar” ayuu yidhi Nicholas Kay.

Waxa uu ku eedeeyey Alshabaab inay khatar ku yihiin Ammaanka iyo Dib-u-dhiska Dowladnimo ee Somalia.

Dhinaca kale, ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in Hawlgalka CiiddankaAMISOM  iyo kuwa Dowladda lagu wado inay bilowga bisha so osocota ee September u ruqaansadaan magaallooyinka Dekeddaha leh ee ay Xarakadda Alshabaab kaga sugan yihiin Koonfurta Somalia.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed