|

Soomalida Qaxoontiga ah ee Ku Jira Xerada Dhadhaab oo ka hadlay Siday u arkaan Booqashada Raysal Wasaare Cabdi weli

Dhadhaab 23.Aug 2014 (SDN/QJ)-Soomaalida ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa soo dhoweeyey booqashada ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed uu ke tagey xeryahaas.

Qaar ka tirsan Soomaalida ku nool Dhadhaab  ayaa booqaashada ra’iisal wasaaraha ku tilmaamay mid taariikhi, ayna ku faraxsan yihiin.

dh-300x3001Xasan Maxamed Guuleed oo ka mid ah waxgaradka Dhadhaab ayaa tilmaamay in booqashada ra’iisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdigiisa ee Dhadhaab ay soo noolaynayso waddaniyadda Soomaalida deggan qaxootiga Dhadhaab, ayna ku dhiirragalinayso in ay ku laabtaan dalkooda hooyo.

Xasan ayaa intaas ku daray in la joogo xilligii loo istaagi lahaa xaqiijinta nabadda iyo horumarka Soomaaliya, sidaa darteedna Soomaalida looga  baahan yahay in ay u midowdo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo qarammada midoobey ayaa shalay booqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenta, kuwaas oo ay ku nool yihiin ku dhawaad nus malyuun qof oo u badan Soomaali.

Dhadhaab SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed