Xisbiga Waddani oo ka Digay Talaabooyin ay Xukuumadu Cimri dherer iyo Mudo Kordhin ku raadinayso DAAWO
Hargaysa 24.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa Xukuumadda ku eedeeyay in ay waddo ama mar marsiiyo u raadinayso sidii loogu samayn lahaa muddo kordhin loo sameeyo muddo xileedkeeda sii dhamaanaya isla markaana tilmaamay in aanay ka Xisbi WADDANI ahaan in aanay diyaar u ahayn in ay aqbalaan in diiwaan galinta muwaadiniinta la sameeyo taasoo ay ku tilmaameen mid aan xilligan wakhti loo hayn isla markaana ay Xukuumadda ku eedeeyeen in ay isugu lifaaqday diiwaan galinta codbixiyeyaasha iyo diiwaan galinta madaniga ah si ay dib u riixis ugu hesho doorashada si muddo kordhin ay u hesho.
Waxaa kaloo uu Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI uu Xukuumadda ku eedeeyay in ay ka baxday heshiis ay wada jir hore ugu gaadheen sadexda Xisbi Qaran,Guddiga Doorashooyinka oo ku saabsanaa diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo ay heshiis wada jir ah ka gaadheen isla markaana xeer loo sameeyay oo uu Gudiga Doorashooyinku soo diyaariyay loona gudbiyay Xukuumadda si ay ugu soo gudbiso golaha Wakiiladda,laakiin waxaa uu Xisbig Mucaaridka ah ee WADDANI khiyaamo ku tilmaamay ay Xukuumaddu ku kacday diiwaan galinta codbiiyeyaasha iyo diiwaan galinta madaniga ah oo ay isku soo lifaaqday una gudbisay golaha Wakiiladda.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa,ayaa sheegay in ay si adag uga soo hor jeedaan in la siku lifaaqo labada diiwaan galinood isla markaana sheegay in aanay ku jirin wixii ay Xisbiyada Qaranka,Gudiga Doorashooyinka iyo Xukuumaddu ku heshiiyeen kuna war galiyeen ee ay qoraalka ku siiyeen beesha caalamka oo Somaliland ka taageerta dhanka doorashooyinka.
Ugu horrayn Maxamed Cabdilaahi Uurcadde ,ayaa hadalkiisa ku bilaabay.
“Labada diwaan galinood ee Diwaan galinta Codbixiyeyaasha iyo Diwaan galinta Muwaadinku, mid walba waxay u baahan tahay xeer gaar ah oo lagu maamulo oo laga ansixiyo Golaha wakiilada.Komishanka Doorashooyinku waxay abaabuleen Qaadhaan bixiyeyaasha Doorashooyinka, waxay hawl galiyeen Khubaro sharci oo La sameeyay Xeerka Codbixiyeyaasha, waxayna Xukumadda u gudbiyeen Xeerkaasi mudo laba bilood laga joogo” Ayuu yidhi Mr Uurcadde.
Xoghayaha Waddani Oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Xeerkii Komishanku u gudbiyay Xukumaddu wakhti baday haystay, waxayna Goga(Ku dareen) u galiyeen Xeerkii Muwaadinka oo isna u baahnaa Xeer Gaar ah. Waxay shuruud uga dhigeen in marka Diwaan galinta Codbixiyeyaasha la qabanayo khasab ay tahay in qofku soo maro Xeerka ama Diwaan galinta Madaniga ah oo marka hore la dhamays tiro Diwaan gelinta Muwaadinka.markaa waxay qofka doonaya kaadhka Codbixinta khasab kaga dhigeen inuu sito Kaadhka Aqoonsiga”
Xoghaya Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde waxa uu ka hadlay sida ay u arkaan Midaynta labada xeer “ Waxaanu u aragnaa Midaynta Xeerka Diwaan galinta Codbixiyeyaasha iyo Xeerka Diwaan galinta madaniga ah, in Xukumaddu ka cararayso inay samayso xeerka codbixiyeyaasha oo sidii lagu heeshayay ay u samayso”
Xoghayaha Waddani ayaa sheegay in Xeerka Xukumadda ka soo baxay wakhtigani khilaafsan yahay sidii ay hore Xisbiyada Qaranka,Komishanka Doorashooyinka iyo Madaxweynuhu ugu heshiiyeen oo ahayd in Diwaan galinta Muwaadinka iyo xeerka Codbixiyeyaasha la kala saaro islamarkaana Wasaaradda Daakhilligu samayso Diwaan gelin madaniga ah oo mudo dheer soconaysa.
“Waxaanu aad iyo aad uga xunnahay, in y wixii lagu heshiiy ee Madaxweynuhu qoray ee saddexda Xisbi Qoreen ee Komishanka iyo Wasaaradda Arimaha guduhu qoreen in Xeerka Maanta ay Xukumaddu u soo gudbisay Golaha wakiiladu uu khilaafsan yahay oo uu ka hor imanayo. Waxaanu ka xunahay inaanay xukumaddu tix galin Qoraaladii beesha caalamka loo diray oo aanu u aragno Khiyaamo Qaran iyo in maalin ba ninka joogaa dalkan halkuu doono u jahaynayo” ayuu yidhi Xogahaya Waddani.
Xoghayaha Waddani waxa uu ugu dambeyn sheegay inaan Xisbiga Waddani Aqbalayn Shuruud lagu xidho Kaadhadhka Codbixinta
“Xisbiga Waddani Marna aqbali maayo Shuruud lagu xidho, iyadoo mudo korodhsi looga dan leeyahay in Muwaadinka Codbixiyaha ahi uu haysto Kaadhka Aqoonsiga.haddii Kaadhka Aqoonsiga la samaynayana dhawr sanadood ayay qaadanaysaa taasna anagu diyaar uma nihin” ayuu yidhi Xogahaya waddani.
Hargaysa SDN/QJ