Madaxweyne Siilaanyo Oo Waxba-kama Jiraan Ka Dhigay Go’aan Wasiirro Degdegsani Dhawaan Kasoo Saareen Muranka Balliga Diiriye
Hargeysa:Aug,23,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helay qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa sheegaya in madaxweyne Siilaanyo kulan uu la lahaa Waxgaradka Beesha Arab uu ku garwaaqsaday in dib loogu noqdo muranka balliga diiriye, isla-markaana wax laga beddelo Go’aamo hore looga soo saaray.
Wararka ayaa intaas ku darsaday in madaxweynuhu odayaasha hortooda kaga dhawaaqay inuu Gebi ahaanba laalay Go’aankii dhawaan Xubnaha wasiirrada ahi kasoo saareen Shaqaaqada Balliga Diiriye Guuleed, waxana uu tilmaamay inuu si degdeg ah Guddi kale oo Madax Bannaan u saari doono Arrintaas.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu kulan fool ka fool ah la yeeshay Wafti uu hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Cabdale Arab Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac Fool Gaawe isla markaana ay xubno ka ahaayeen odayaal iyo masuuliyiin Beelaha Arab ugu jira xukuumadda ayaa waxa si aad ah loogu lafo guray deegaanka iyo sida ay beelaha Cabdale Arab u lahaa jireen.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay dhinaciisa wehelinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa ka garaabay in xukunkii degdega ahaa ee ay Xubno Wasiiro ahi ka soo saareen Muranka dhulkaasi uu ahaa mid aan ku filayn xallinta khilaafka labada Beelood.
Waxgaradka Beesha arab ee madaxweynaha la kulantay ayaa ka garawday tallaabada uu madaxweynuhu qaatay, waxana ay ballan ku qaadeen inay diyaar u yihiin in cid dhexdhexaad ah oo arrimaha turxaan bixinta aqoon u leh loo diro, isla-markaana ay ku qanci doonaan natiijada dambe ee la soo saaro.
SDN/QJ