|

20 Ruux oo Muhaajiriin ah oo Geeriyooday kadib doon ay ka raaceen magaalada Tripoli

Tripoli 23.Aug 2014 (SDN/QJU)-Dawladda Liibiya ayaa xaqiijisay dhimashada 20-ruux oo muhiimjiriin ah, ka dib markii ay Badda kula degtay Doon ay ka raaceen Tripoli, isla markaana ku sii jeedday Xeebaha waddanka Talyaaniga si ay ugu sii gudbaan dalalka Yurub.

Ciidammada ilaalada Xeebaha dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Liibiya, ayaa sheegay inay heleen tiro dad ah oo nool, isla markaana ay ku jiraan baadi-goobka intii kale. “Waxaan helnay 16-ruux oo nool intii kale weli waa la la’yahay, waxaana socda baadhitaanno aan ku baadi-goobayno Raq iyo Ruux dadka intii kale ee Doonta saarnayd.” Sidaa waxa yidhi Abdel Latif Mohamed Ibrahim oo ka tirsan Ciidammada ilaalada Xeebaha Liibiya oo la hadlay Wakaaladda wararka ee AFP.

Waxa uu Sarkaalkani tilmaamay in Biyaha Badda laga helay Meydadka labaatan qof, iyadoo baadi-goob loogu jiro 170 qof oo kale oo ka tirsanaa Rakaabkii Doonnida saarnaa, waxaana kooxaha Badbaadintu ay weli ku hawlanyihiin raadinta Meydadka dadka la waayay.

“Dadkan geeriyooday waxaa loo badinayaa in ay ahaayeen Soomaali iyo Eritrean.“ sidaa ayuu yidhi Sarkaalka u hadlay Ciidammada ilaalada Xeebaha Liibiya Latif..

Khamiisti la soo dhaafay Kulluumaysato u dhalatay dalka Tunusia, ayaa bad-baadiyay tiro dhan  75-ruux oo Tahriibayaal ah, kuwaasoo muddo shan maalmood ah dul sabbaynayey Badweynta, iyagoo saaran Doonni kula luntay Badda dhexdeeda.

Tan iyo Bishii toddobaad ee sannadkan Boqollaal qof dad lagu qiyaasay ayaa ku geeriyooday Badaha u dhaxeeya Libiya iyo Talyaaniga, iyagoo doonaya in ay u sii gudbaan Yurubta kale si ay nolol ka fiican ta ay dalalkooda kaga yaacayaan uga helaan waddamadaas.

Qurbejoog.com

Comments are closed