Sirdoonka Dalka Kenya Oo Taliye Cusub Loo Magacaabay Iyo Madaxweyne Kenyata Oo Ka Hadlay
Nairobi:Aug,23,2014(SDN/QJ)-Sirdoonka dalka Kenya ayaa loo magacaabay Taliye Cusub kadib markii uu taliyihii hore dhawaan isu casilay dhibaatooyinka kooxaha shabaabka dalkaas ka abuureen dartood.
Madaxweyne Kenyata oo isagu magacaabay taliyahan Cusub, ayaa sheegay inuu khibrad u leeyahay la dagaalanka kooxaha ka horjeeda amniga dalkaasi ee Alshabaab, oo weeraro badan ka geysatay dalkaasi Kenya.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inuu soo doortay General Philip Kameru isagoo ku xushay ururinta siraha amaanka ee dalka Soomaaliya, oo ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin qeybna ka yihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Dalka ku yaala bariga qaarada Africa ee Kenya ayaa waxa marar badan Alshabaab ay ka geysteen weeraro dhowr ah, waxaana kamid ahaa weerarkii Alshabaab ay ka geysteen dhismaha ganacsiga ee Westgate ee dalka Kenya oo ay ku dhinteen 67 ruux.
Alshabaab ayaa weerarkaasi ku tilmaamay qeyb kamid ah ciqaabta ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya kuwaasi oo dalka Soomaaliya soo galay bishii October sanadkii 2011, markii Alshabaab qaraxyo ay Kenya ka geysteen.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa amaan kala dul dhacay taliyaha cusub ee hayad sirdoonka Kenya, isagoo sheegay inuu heysto tababaro dhanka sirdoonka la xiriira oo uu ku qaatay gudaha Kenya iyo meelo ka baxsan.
Madaxweyne Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in Mr Kameru uu heysto shaqaadaha Mastar-ka maadada Maareynta Qeyraadka dabiiciga, waxbarashada caalamiga iyo mareynta amaanka.
Sida uu dhigayo dastuurka dalka Kenya taliyaha cusub ee sirdoonka dalka Kenya ayaa xilkaasi la wareegaya marka ay ansixiyaan xildhibaanada baarlamaanka Kenya, wuxuuna badalayaa General Michael Gichangi oo is casilay Qamiistii lasoo dhaafay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com