|

Akhri Sababaha Rasmiga ah Ee Loo Cuskaday in Kenya Laga Wareejiyo Gacan-ku-haynta Magaalada Kismayo

Kismaayo:Aug,23,2014(SDN/QJ)-Waxa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada reer Kenya ee gacanta ku Hayey Magaalada Kismayo laga Wareejiyey, isla-markaana ciidamo kale oo ka tirsan kuwa AMISOM loo dhiibay.

buyWararka ayaa intaas ku daraya inay Toddobaadkan horraantiisii hoggaanka ciidamada kismayo ku sugan ee AMISOM ka tirsan loo dhiibay ciidan ka socda Dawladda Sieraleon.

Is-beddelkan ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, hase yeeshee waxaa sabab u ahaa kadib markii ay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka codsadeen Midowga Africa in Kenya laga wareejiyo Hogaanka Howgalka AMISOM ee Kismaayo.

Dadka siyaasadda u dhuun daloola ayaa sheegay in qododbo dhawr ah oo soo noqnoqday sabab u yihiin in HOggaanka ciidanka AMISOM ee kismayo kuĀ  sugan laga wareejiyo Kenya, waxana ka mid ah:

1- In ay la safteen Dhinac ka mid ah Beelaha ku dagaalamay Kismaayo

1- In ay si sharci darro ah ay uga dhoofiyeen Dekedda Kismaayo Dhuxusha ay Mamnuuceen Sanad ka hor Golaha Amaanka QM, DFS & Midowga Africa.

3- In ay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka socda Dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo ka yimid Muqdisho u diideen inay galaan Kismaayo, iyagoo ka celiyay Garoonka Diyaaradaha.

4- In aanay u hogaansamin Amarrada Hogaanka Guud ee AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

5- In ay si cad uga qeyb-galeen Dagaal Beeleed ka dhacay Kismaayo 2013-kii, iyagoo Duqeyn u gaystay Xaafadaha Kismaayo oo Dad badan oo Shacab ah ay ku dileen.

6- In Hub aan sharci ahayn siiyeen kooxda u hoggaamiye Axmed Madobe ee haatan gacanta ku haya Maamulka Jubooyinka.

Arrintan ayaa la sheegay inuu si aad ah uga xanaaqay Axmed Madoobe, oo Madaxda Dowladda Federaalka uga baxay Ballantii ahayd in uu Lix Bilood kadib Heshiiskii Addis Ababa uu kusoo wareejiyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Kismaayo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed